Madaxweynaha Masar Oo 3 Bilood Oo Xukun Degdega Ku Soo Rogay Dalkiisa + [ Sababta ]

Qaahira (GNN):- Madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi ayaa soo saaray Khamiistii wareegto uu ku kordhiyey xukunkii degdega ah ee uu hore dalkaas ku soo rogay.

Sida baahisay warbaahinta dawladda Masar waxa uu Madaxweyne Cabdifataax Siisi uu saddex bilood oo dheeraad ah ku daray xukunkii dega dega ahaa ee ka shaqeynaya dalkaasi.

Madaxweynaha Masar waxa uu Wareegtadiisa ku sheegay in Ciidammada Millatariga iyo kuwa Boolisku ay qaadi karaan tallaabooyinka lagama maarmaarmaanka ah ee ay ku adkaynayaan dhinaca ammaanka.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay qaadi karaan tallaabo kasta oo ay ku sugayaan nolosha iyo hantida muwaadiniinta reer Masar.

GABILEY.NET