“Madaxweyne; Balan Qaadkaagii Hore Ee Berbera Ma Fulin, Sababtana Ma Garanayno”

Hargeysa (Gnet)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay socdaalka Madaxweynuhu ku tagay Magaalada Berbera, waxaanu sheegay in aanu fulin balanqaad uu hore Madaxweynuhu ugu sameeyey Shaqaalaha xoogsatada ee reer Berbera,  waxaanu tilmaamay in aanu garanaynin sababta ay ilaa hadda balantaasi u fuli weyday.

Xildhibaan Siciid Cartan CIsmaan, oo ugu horeyn ka hadlaya socdaalka Madaxweynaha ee Berbera ayaa yidhi  “Magaalada Berbera sidaynu ognahay waxaa ka socda mashaariico badan, socdaalka Madaxweynaha ee Magaalo Madaxda Gobolka Saaxilana, waa xogogaal u noqoshada xaalada gobolka,xogogaal u noqoshada mashariicaas, kuwa uu dhagax dhigayo, iyo kuwa uu furayo”.

Mar uu ka hadlay balanqaad uu sheegay inuu Madaxweynuhu hore u sameeyey ayaa yidhi “Sida aynu la soconana Berbera mashaariico fara badan baa ka socda, Saldhigii Milatari wuu socdaa, Dekaddiina wey bilaabatay, Free-zone-kiina imika ayaa dhagaxii la dihgay, laakiin ayaan darada weyn ee jirtaa waxaa weeye wali noloshii dadka wax iska bedelay ma jirto, Madaxweynuhu doorkii hore ee uu tagay balanqaad buu qaaday,ahaa in mashaariicahan dalka ka socda, gaar ahaan Berbera in wixii shaqaale ah ee farsamo yaqaan ah, la keeni doono, laakiin wixii shaqaale hoose oo dhan Gobolka laga qaadan doono, Madaxweyne waxaanu ku leenahay ayaan darada jirtaa waxaa weeye balanqaadkaagii hore  ma fulin,sababta ay u fuli weydana garan mayno, ma Madaxda Gobolka ayaan fulinaynin, waxaa weeye in la kantaroolo, haddii ay DP World tahay, haddii ay tahay qoladan Saldhiga dhisaysa, iyo qoladan imika dhisay Free-zone-ka, shaqadii ay qabanayeen dadka masaakiinta ah ee ay dakhliga ka helayeen ee ay ku noolaan lahaayeen dad Hindiya, Pakistan dad shilinkii halkan ka soo galayey dibada u xawilaaya, ayaa shaqadoodii haysta, ee Madaxweyne waxaanu ku leenahay waa adigan Magaaladii jooga, ee hoos u eeg, arinkaas reer Berbera wey ka qabanayaan, waana inaad go’aan cad kaga soo amba-baxdaa, arinkaasina waa arin taagan ee hoos u eeg Madaxweyne”.

Mar uu ka hadlaayey Dekadda Berbera ayaa yidhi “Hantida ugu weyn ee qarankani lahaa Dekadda ayey ahayd, DP World weynu ku wareejinay, inagoo barigaas masalaxad moodayna, haba la raagan, oo dib u dhac badan baa ku dhacay, intii lagula heshiiyey inay Dekadda ku bilaabaan sidii aan horeba u sheegay, in badana waan ka hadlay, waxaana qiimayn doona mashruucan inaynu ku khasaarnay iyo in kale marka ay Dekaddu dhammaato”