Masuuliyiin Kamida Maxkamadaha Togdheer Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Lacag Ku Dhow 100 Milyan Oo La Lunsaday.

Masuuliyiin Kamida Maxkamadaha Togdheer Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Lacag Ku Dhow 100 Milyan Oo La Lunsaday.
Masuuliyiin Kamida Maxkamadaha Togdheer Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Lacag Ku Dhow 100 Milyan Oo La Lunsaday.
Maxkamada Rafcaanka Gobolka Togdheer Ayaa Waxa ka dhacay Musuqmaasuq weyn kaasi oo sababay in xabsiga loo diro kaaliyaha Sare ee Maxkamada Racfcaana gobolka Togdheer.

Kaaliyaha sare ee maxkamada Rafcaanka Togdheer Oo lagu magacaabo Sucaad faarax ayaa todobaadkii udanbeeyay ku xidhnayd xabsiga dhexe ee magaalada Burco, iyadoo ku eedaysan inay Lunsatay Lacag gaadhaysa 85Milyan oo (S.Sh) , sidoo kalena Gudoomiyaha Rafcaanka Togdheer Garsoore Barkhad Isaaq ayaa ku eedaysan inay wada lunsadeen Lacagtaasi laakiin lama xidhin Garsooraha maadaama uu huwan yahay Xasaanad Gudoomiye Maxkamadeed ah oo la sugayo inta xilka laga qaadayo.

Lacagtani Faraha Badan ayaa laga soo qaatay Baandhexe ee Somaliland sida ku cad xaashida eedaysanayaasha ee ay soo saareen Masuuliyiinta Baanka dhexe ee Burco,

waxaana sida la sheegay lacagtani ahayd mushahar uu lahaa Garsoore Laga Bedelay maxkamadaha Togdheer, taasi oo ay si qaldan kula soo baxi jireen masuuliyiinta lagu soo eedeeyay inay lunsadeen lacagtaasi.

Inkasta oo uu socda kiiska loo haysto masuuliyiintaasi hadana Madaxweynaha Somaliland iyo Gudoonka maxkamada sare ee Somaliland ayaa la flayaa todobaadka soo socda war cad kasoo saari doonaan arintani ka dhacday maxkamada Rafcaanka Togdheer.