Maxaad Kala Socotaa Dacwada U Dhaxaysa Ganacsade Axmed Osman Geele Iyo Bangiga Ganacsi ee Lagu Magacaabo BCIM.

Hargeisa(GNN):-Waxaa maalmihii ugu danbeeyey bulshada somaliland aad u hadal hayeen dareenka dacwad la sheegay inay u dhaxayso ganacsade axmed osman geele iyo qoyska madaxweynaha djabouti taas oo sababtay in Ganacsaduhu kasoo xamaaan urursado dalka jabuuti kadib markii sida ay xogohu sheegeen ganacsigii iyo hantidiii uu ku lahaa dalkaas la xayiray.

Hadaba Wararka xogogaalka ah ee la helayo ayaa sheegaya in Cida dacwadu ay ka dhaxaysaa tahay Ganacsade Axmed Cismaan Geel iyo Bangiga Ganacsi ee lagu magacaabo BCIMR oo Xarumo ku leh somaliland iyo jabuuti bangigan oo laga leeyahay dalka France ayaa Kadib markii dacwadan oo soosocotay wakhti badan hadda  bilaabay inuu ka furto gal dacwadeed Maxkamada gobolka hargeisa taas oo sida ku cad documentiyo la baahiyeyna ay xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo wasaarada cadaaladuba u ogolaadeen in dacwada u dhaxaysa ganacsadaha iyo bangiga lagu qaado hargeisa.

Axmed cismaan geele waa ganacsade weyn oo shirkado ganacsi ku leh Somaliland iyo jabuuti oo aan ku koobnayn hargaysa mana jirto dacwad u dhaxaysa ganacsadaha iyo dawlada jabuuti iyo qoyska madaxtooyada jabuuti toona balse ganacsadaha waxay dacwadu u dhaxaysaa isaga iyo bangi ganacsi oo laga leeyahay france xaruna ku leh dalka jabuuti iyo Somaliland . bangigaasi oo la yidhaa BCIMR Waa tan warqad uu bangigu ku faahfaahnayo dacwada uu u haysto ganacsade Axmed Cismaan Geele:

Nuxurka ku qoran Warqada Ayaa U Dhigan sidan:-

War murtiyeedka Bangiga BCIMR 2 april 2019.

Bangiga Ganacsi ee BCIMR waa laan ka mid ah baanfransiis ah waxaanu uu ka qaybqaata hor’umarka dhaqaale ee wadamada Gobolka isaga oo ku leh xafisyo Degmada Geeska Afrika sida Jabuuti ,Ethiopia iyo Somaliland waxaana uu bangiga si weyn uga qaybgala Deyn bixinta maalgashiga mashaaricaha hor’umarka . Bangiga ganacsi ee BCIMR waxa uu halkan ka cadeynaya in uu shirkadda GSK iyo mulkiile Axmed cosmaan Geelle ku fashilmey bixinta deyn lacageed oo bangiga uu ka qaatey isla kolkaana tixgalin waayay heshiska deyn bixinta oo ay wado galeen isaga iyo bangigu . sidaas awgeed bangiga ganacsi ee BCMR waxa uu dacwad ka dhan ah uu gudbiyey Garsoorka dalka jabuuti isaga oo Bangigu ka dalbey in looso qabto xoolaha ka maqan iyo ka jawaabidda deynta lo heysto Mudane Axmed cosmaan Geelle . Garsoorka jabuuti oo ka duuleya shuruucda caalamka waxa uu qabtey dacwadda uu dhexeysa Ganacsade Axmed cosmaan Geelle iyo Bangiga Ganacsiga ee BCMR . Garsoorku waxa uu Garowsaday dacwadda iyo Dalabta Bangigu in uu helo xoolaha deymeed ee ka maqan waxaan uu uu qabtey hantidda shirkadda isaga oo uu oogol yahay mulkilaha shirkadda Ganacsade Axmed cosmaan Geelle. Waana sababta ka dembeysa in dawcad ka dhan ah Ganacsade Axmed cosmaan Geelle loga furey Hargeysa si uu uga jawaabo deynta maaliyadeed ee Bangiga uu ka qaatey . Eedeymaha deyn lun sasho ee lo heysto mudane Axmed cosmaan Geelle , sal iyo raad kuma laha siyaasad ee laakinse waa amuur Ganacsi oo uu dhexeysa Bangiga BCMR iyo Ganacsade Axmed cosmaan Geelle . Waxaan uu Bangigu BCMR uu Guddaneya waajidkiisa sharciyeed ee helidda deynta maaliyadeed ee uga maqan Mudane Axmed cosmaan Geelle .

Nadhir ZOUAGHI

Agaasimaha Guud ee Baanka BCIMR

Communiqué presse de la BCI MER Rouge


Waxaana wararku intaa ku dareen in aaney jirin wax  dacwada ah oo u dhaxaysa madaxweynaha jabuuti iyo marwadiisa iyo axmed cismaan geele ee ganacsadaha iyo bangiga BCI oo xarun ku leh hargaysa ayaa isku haysta lacag lagu maalgaliyay shirkado ku yaala Somaliland.

Halkan Ka Dhegayso Warkan.

 

Hargeisa Somaliland
Contactgabileynews@gmail.com
Gabiley News Network