Prof. Cabdisalaan Yaasiin Oo Ka Hadlay Isbedelka Sarrifka Iyo Qiimaha Maceeshada

Hargeysa (Gnet)-Prof:Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Madasha Wada-tashiga, ayaa ka hadlay kala duwanaasha iyo farqiga u dhexeeya qiimaha sarifka ee hoos u sii dhacaya, iyo maceeshada wali qaaliga ah, waxaanu tilmamaay in loo baahan yahay in la is waafajiyo, waxaa kale oo uu sheegay inuu suuqa ganacsigu xor yahay, isla markaana aanu jirin qanuun Ganacstada qabanaya, loona  baahan yahay Ganacstadu inay dadkooda hoos u eegaan.

Prof:Cabdisalaan Yaasiin oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Marka aad u eegto sicir bararka dalal badan oo aqoonsi leh, waxaad odhanaysaa weynu ka nasiib badan nahay, waayo qiimaha sarifka ee lacagta doolarku muddo aad u dheer ayaanu dhaqaaqin oo halka doolar uu ahaa ilaa lix kun iyo shan boqol, had iyo jeerna dunidda wey iska jirtaa inuu sicir barar yimaado, sarifkuna hoos u dhaco, mar walba dhaqaalaheenu waa xor, oo waa dhaqaale madax banaan, oo Ganacsatadeenu cidhiidhi badan iyo qawaaniin lagu hor joogsado ma jiraan, Ganacsigooduna waa xor, mana ah inay hadba yeelan siday doonaan,   dadkeenuna waa dad u badan danyar, waxayna u baahan yihiin in aanay maceeshadu qaali ku noqon, mar haddii aanay jirin Xukuumad weyn oo dadka daryeesha, oo siisa waxay u baahan yihiin, ama ka taageerta arimaha bulshada, waa inay Ganacstadu dadkooda u naxaan, una naxariistaan, maceeshada u jabiyaan”.

Mar uu ka hadlaayey qiimaha sarifka ee hoos u socda iyo maceeshada qaaliga ah ayaa yidhi “Waxaa haboon in la isku eego maceeshada iyo qiimaha sarifka doolarka, sababtoo ah qiimihii sarifku hoos buu u socdaa, ee waa in nidaamka sarifka ee fariimaha la iskugu soo diro, gacanta hore iyo gacanta dambena ay noqdaan, wax lagu wada dhaqmo, maaha inay wax ka dhacaan dadka wax iibsanaya, oo qofka kale ee wax ka iibinayana maaha inuu wax  saaro, halkaasna dulmi ayaa ku jira, waxa kale oo halkaas ku jira is dhaafsanaan ay is dhaafsan yihiin wixii la yidhi ha la fuliyo,waxaana runtii wali jira cabasho badan oo aad loo cabanayo, lagana qabanayo sicirka doolarka iyo sicirka maceeshada ee kala duwan, maceeshada qaaliga ah waa la wada tabayaa, waxayna maceeshadu ku xidhan tahay kolba siday Xukuumadda iyo Ganacstadu u hagaan, bishii ramadaana wey soo galaysa ee waa in maceeshada hoos loo eega, oo wax laga qabta, dadkana loo jabiyaa, gaar ahaan waxay dadkeenu cunaan ee quudka u ah waa in loo jabiyaa, ta kale sida caalamka waa inaynu yeelana ururo ilaalinaya dadka iibsadayaasha, oo marka wax is dhimaan, iyo marka wax ku kordhaan maceeshada ururo la socda waa in la sameeya, waana inay Xukuumaddu dadka ilaalisaa, dadkuna waa inay iyana is ilaaliyaan”.