Prof. Samatar Oo Ka Hadlay Aragtida Uu Ka Qabo Guddiyada Somaliland U Saarto Wada Hadalka Soomaaliya

HargeysaGNN):-Prof.Axmed Ismaacil Samatar ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahay in la qaabeeyo sida wadahadal lagaga guulaysto loola gali karo Somaliya.

Axmed Ismaacil Samatar Oo Ku Taliyay In La Tayeeyo Guddiyada Loo Xulo Wada Hadalada

 

Prof.Axmed Ismaacil Samatar ayaa shaaciyay In loo baahan yahay in laysu keeno labeenta Somaliland lana diyaariyo sheekada Somaliland oo adduunka si fiican loogu bandhigaayo iyo istaraatiijiyad lagaga guulaysan karo Somaliya, laguna qancin karo beesha caalamka ee markhaatiga ka noqon doonta wada hadaladaas. Waxa uu ka haday dood ay soo qabanqaabiyeen Inspire Group.

Prof.Axmed Ismaacil Samatar oo ugu horayntii sharaxaad bixinaayay waxa uu yidhi”Risaalada Somaliland yaa qaadaya, halkee la gaynayaa waa inaan arimahaas ka wada hadalno oo meel isla dhigno, aniga waxay ila tahay in aan la odhan gudi ayaa la dhisayaa Somaliya la hadasha oo reer hebelna intaa halaga keeno reer hebelna intaas halaga keeno, taasi ma soconayso, waaynu soo aragnayna, waa inaan la soo baxnaa oo xulanaa dadka ugu wanaagsan ee labeenta Somaliland ah rag iyo dumarba, waa haday inaga dhab tahay inaan kubadaas qaadano sidii ciyaartii kama danbaysta ahayd ee koobka aduunka oo kale.”

Prof.Axmed Ismaacil Samatar oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi” Markaas in la dhigo qisada Somaliland oo cilmiyaysan aniguna wali taas maan arkin, inyar hadaan idiinku daro nin ahaan jiray xoghayaha Qaramada Midoobay oo Afrikaan ah oo magaciisa la odhan jiray Kofi Annan, jaamacada aan joogo ayuu arday ka ahaan jiray oo uu ka soo baxay 1959, markii danbena waxa uu noqday boodhka jaamacada ninkii ugu magaca weynaa ee boodhkaas ku jira aniga iyo isaguna waxaanu noqonay labada Afrikaanka ah ee la garanaayo ee jaamcada joogay kolkaas waanu isku soo dhawaanay oo waanu sheekaysan jirnay sanadkii inaga tagay hadda ayuu yimi jaamacada isaga oo markaas sideetan jir ah, waanu ka hadlay, kolkay xafladii dhamaatay ayuu yidhi inagu gooni ayaynu Afrika uga sheekaysanaynaa ee aynu is raacno gurigaygaan geeyay, markaas waxa uu igu yidhi haye Samatar Somaliya ka waran arimuhu baryahan halkay marayaan, waxaan ku idhi ma waxaad sheegaysaa Somaliyadii hore mise Somaliyada imika wadan kale ayaa jira oo la yidhaahdo Somaliland, yaa Somaliland ayaa jirta, sideebay u dhacday taasi waxiibaan yara micneeyay, markaasu igu yidhi kuwii Ingiriiska xornimada ka qaatay 1960 sow maaha sheekadooda halkeebaan ka akhristaa ayuu igu yidhi iyo waxay Somaliya uga baxeen iyo waxaas oo dhan, waan waayay, wax yar oo meelahaas lagu qorqoray oo qaarkood aad loo naax naaxiyay oo marka farta la saaro ee la cadaadiyo jabaaya. Kofi Annan waxaan siiyo waan waayay. Somaliya in aan la dhayalsan oo dadka aduunka ee markhaatiga inoo noqonaayana in aan la dhayalsan waa dad inaga Cilmi Badan Oo Inaga Xarfad Badan.”