Qaar Kamid Ah Xubnaha Ugu Sarreeyo Militariga Suudaan Oo Is Casilay

Sudan (GNN):- Saddex kamid ah xubnaha ugu sarreeyo golaha sare ee militariga Suudaan ayaa xilka iska casilay, arrintani ayaa kamid aheyd waxyaabaha ay doonayeen dibadbaxyaasha dalkaasi.

Xubnahan ayaa kamid ah hoggaanka sare ee golaha militariga ee awoodda la wareegay.

Saraakiishan is casishay ayaa waxay saaxib dhaw la ahaayeen madaxweynihii Suudaan ee xilka laga tuuray, Cumar Xasan Al Bashiir.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay dalka Suudaan ka socday kulan ay lahaayeen golaha sare ee militariga iyo hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa dhigaya si xukunka loogu wareejiyo dowlad rayid ah.

Afahayeenka Militariga Suudaan, Janaraal Shamsuddiin Kabbashi ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dhinacyada militariga iyo hoggaamiyeyaasha dibadbaxyaasha ay ka heshiiyeen inta badan codsiyada shacabka oo ay kamid tahay in la helo dowlad rayid ah.

GABILEY.NET