“Shaqaalahu Waxay U dhabar-adaygaan Duruufaha Ay Ku Shaqeeyaan..” Madaxweyne Biixi

Hargeisa(GNN):-Maalinta berri ah oo ku beegan 1-da bisha shanaad, 2019-ka, waxa Dunida laga xusayaa Maalinta Shaqaalaha, sidaasi darteed ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu dhambaal Hambalyo ah u diray Shaqaale-weynaha Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed soo gaadhay Shabakada Wajaalenews, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-

HAMBALYADA MADAXWEYNAHA EE MAALINTA SHAQAALE WEYNAHA.

Taariikh: 30 /04/2019.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-Weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, meel ay joogaanba.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dhabar adaygaan duruufaha nololeed ee kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, xuskan xuskiisana ku gaadhsiiyo nabadqab, horumar iyo badhaadhe, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay joogteeyaan saacadaha shaqada si waddaniyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahayna u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran hawlaha shaqo ah ee ay qaranka u hayaan…”

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News