Tirada Qoyska Leh Dhulka Madaxtooyada Laga Dhisayo Ee ay Saaka Ciimada Boolisku Xabsiga U Taxaabeen.

Hargeisa(GNN):-Kadib markii maalintii shalay ay ciidamada booliska somaliland subaxdii hore abaaro 4:00 subaxnimo awood kagaga soosaareen qoyskan deganaa dhulka madaxtooyada cusub laga dhisayo oo xukuumada jsl ay dayr weyn kusoo wareejisay bilihii u danbeeyey, ayaa waxaa dhacdadaasi shalay kadib ay haween gadoodsan oo ka cadhaysan sida arxandarada ah ee looga soosaaray guriyihii ay deganaayeen iyo hoygood ee lagu soo daadiyey banaanka waxay saaka aroortii hore cabasho ay ku muujinayaan mudaharaad la hortageen afaafka hore ee Qasriga Madaxtooyada Jsl,

Waxaana Markii ay haweenkii mudaharaad ka hor sameeyeen afaafka ee madaxtooyada halkaasi soo gaadhay kolanyo Ciidamada booliska ah oo ka war helay haweenkan ka cadhaysan dhacdadii shalay ay ciidamda booliska somaliland kagaga soosaareen dhulkii ay sheeganayeen ee ahaa goobta loo asteeyey in loo raro dhismaha madaxtooyada cusub.

Sida ay Warbaahinta u Xaqiijiyeen hadaba Kadib markii ay haweenkaasi saaaka hor tageen madaxtooyada somaliland, waxaa ciidamada booliska somaliland qabqabteen qaar kamida haweenkii iyagu dareenkooda ku cabirayey mudaharaaadka ay kagaga soo horjeedaan, qaabka ay xukuumadu doonayso inay ugala wareegto dhulkoodan,

Tirada Haweenka ah eee Ilaa hadda la xidhay ayaa Shabakada Gabiley News Waxaa uu u Xaqiijiyey Mid Kamida ehelada qoyskani in ay hadda Saldhiga dhexe Magaalada hargeisa Ku xidhan yihiin 8 Haween ah iyo Ilmo yar oo Caruur ah kaas oo la socoday Hooyooyinkan Saaka xabsiga Loo taxaabay.

Muranka Dhulkan laga dhisayo Xarunta Looga Arrimo Somaliland Ayaa Mudooyinkii u danbeeyey ahaa Mid soo Jiitamayey iyadoo ay Qoyskani Sheeganayeen  In Maxkamada Dalka Somaliland oo dhami u Ansixiyeen Lahaansha dhulkan iyo Sharciyada ay u haystaanba,

Waxaana sida la Sheegay is maandhaafka dhulkani ka dhashay kadib markii xukuumada jsl ay qiimo lacageed oo ka yar kii ay qoyskani sheegayeen in uu dhulkooda u dhigmo ku wargalisay inay siinayso sidaana ay kagaga guuraan balse arrintaa kadib waxaa ka biyo diiday qoyska leh dhulkan oo xukuumada marar kala duwan ugu baaqay inay lacag u dhiganta qiimaha dhulkan siiso sidaana ay kagagla wareegto,hase ahaatee ismariwaagaa soo jiitamayey kadib waxaa ay Madaxtooyada somaliland ku dhaqaaqday amar lagaga rarayo dhulkaasi iyadoo maalintii shalay awood ciidan lagaga saaray qoyskaasi dhulkii loo qorsheeyey madaxtooyada cusub.

Dhacdada Arrinta ayaa kusoo beegmaysa Xili uu madaxweynihii Qaranka Somaliland dalka uga baxay Arrimo Shaqo uu ku Tagay Dalal UAE iyo dalka ethiopia oo uu safar kusii maray.

Shacabka Somaliland Ayaa wali u Dhegtaaga Talaabada Taa Xigta ee ay Xukuumada somaliland kula macaamilo doonto qoyskan cabashadoodu soo noqnoqtay ee ku doodaya inay iyagu Leeyihiin dhulkan islamarkaana Cadaalad Darro iyo Dulmiga ka Tirsanaya dawladoodii.

 

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network.