USA: Madaxweyne Kuxigeenkii Hore Biden Oo Shaaciyey Inuu Madaxweyne U Sharaxan Yahay 2020

Madaxweyne kuxigeenkii Obama ayaa kamid noqonaya murashaxiinta tirada badan ee ku dhex loolamaya Xisbiga Dimuquraadiga oo doonaya inuu xukunka ka tuuro Madaxweynaha Donald Trump ee xisbiga Jamhuuriga.

Joe Biden ayaa la filayey todobaadyadii lasoo dhaafay inuu ku dhawaaqi doono inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha, arrintaasi oo ay si weyn uga hadlayeen warbaahinta Maraykanka.

Biden ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyey inuu xilka u tartami doono isagoo sheegay in aan loo dulqaadan karin cunsurinimada iyo kalaqeybinta Donald Trump ku hayo dalka Maraykanka, arrintaasi oo uu sheegay inay si weyn u dhaawici doonto dalkooda hadii uu markale xilka kusoo noqdo Mr.Trump.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ayaa isagu la filayaa inuu taageero xoogleh ka helo tujaarta taageerta xisbiga Dimuquraadiga, balse sida hada muuqata shacabka taageera xisbigaasi ayaa intiisa badan xiligan u jeen jeera dhinaca siyaasiyiinta kale sida Senator Bernie Sanders oo isagu qorshihiisa dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbaradaha ay si weyn ulla dhacsan yihiin bulshada Maraykanka.

Hase yeeshee shirkadaha waaweyn iyo ganacsatada ka cabsi qabta siyaasiyiinta sida Bernie Sanders inay kusoo rogaan canshuuro xoogleh ayaa la filayaa inay garab dhaqaale siiyaan siyaasiyiinta sida Joe Biden.