Waa Tuma Fanaanada Reer Suudaan Ee Usbuucan Dhex Qaadday Wiilasha Soomaaliyed?!!

Waa Tuma Fanaanada Reer Suudaan Ee Usbuucan Dhex Qaadday Wiilasha Soomaaliyed?!!

Nada Maxamed Cismaan Xaamud Waxay Ku Magac-Dheertahay Nada (القلعة) Naanaystan Al-Galaa” Ayaa Ah’ Deegaankii Ay Ku Dhalatay Magaciisa Kuna Gaashaan Qaaday Nada.

 

 

Nada Waxay 1- Feb- 1975 Ku Dhalatay Deegaanka Al-Galaa Ee Dhaca Agagaarka Khartuum, Fankeeda Waxay Kasoo Bilowday Waagii Ay Iskuulka Dhigan Jirtay, Oo Ay Xafladaha Dugsigeeda Lagu Dhigo Ka Qaadi Jirtay Nashiidooyin, Iyo Heesaha Wadaniga ah’.

Waxay Kasoo Jeedaa Nada Qoys Dhakhaatiir Ah’ Dhamaantood, Aabeheed Waxa Uu Ahaa’ Dhakhtar Dhanka Dhimirka ah’ Reer-Koodu Waxay La Doonayeen Inay Noqoto Dhakhtarad Sida Walaasheed Iyo Hooyadeed.

Nada Wax-barashadii Markii Ay Dugsi Sare Dhamaysay Way Iskaga Hadhay, Markii Ay Gaadhay Da’deedu 17- Sanadood Waxay Guursatay Organiistahii “Musician” Caanka Ahaa Ruug-cadaa, (وليد حجازي) Oo Ay Aad U Jeclayd, Da’diisu Waxay Ahayd 70-Sanadood, Waxaanu Baray Organ’ka Soo Gelideedii Fanka Ayaa Uu Garab Ku Siiyey, Isaga Ayaana Soo Saaray, Waxaanay Fanka Si Toosa Ugu Soo Biirtay, Markay Da’deedu Ahayd, 22-Sanadood, Ninkeedii Ayaa Ka Geeriyooday, Waxaanay U Dhashay Waliid Wiilkeeda Curad Ee Lagu Magacaabo (واءلً) Oo Wakhtigan Jira 26-Sanadood Oo Ah Aabe Haysta Wiil.

“Qisada Jacaylka Nada Iyo Waliid Oo Kooban”

( Nada Waagii Ay Iskuulka Dhiganaysay Waxay Aad U Jeclayd Inay Maruun La Kula to Waliid Oo Aad Uga Weynaa, Waxay Nasiib U Heshay Inay La Kulanto Markay Ahayd 16-Sanadood, Kadib Waxay U Qaaday Jacayl Xad-Dhaafa Waxay Sheegtay Si’Ay Waliid Ula Qaadato Wakhti Inay Iskuulka Muddo-Badan Maqnaan Jirtay, Maadama Waliid Uu Ag-Deganaa Jidka Ay Iskuulka U Marato, Nada,si Dhakhso Ah’ Ayayna U Aqal-Galeen, Sanadkii 1992-dii, Halka Ay Nada Waliid Baratay 1991-Dii, Jacayl Aan U Qabo Dartii kama Ahaan Karayn, Waxaanan Xiiso-U Qabay Inaan Xaaskiisa Noqdo)

Markii Ay Aqal Galeen Waxa U Ka Weynaa 53- Sanadood, Waxay Ahayd 17-Jir Isna Waxa Uu Ahaa 70-Jir.

Waliid Nada Waa Ay U Ducaysaa Mar-kasta Oo La Waraysanayo Afkana Kama Dhigto, Waana Jacaylkii Ugu Horeeyey Ugana Dambeeyey Ee Soo Mara Nada.

Nada Waxay Dhex-Qaaday Badweyntii Fanka Mar Labaad Ayay Guursatay Ninka Lagu Magacaabo, (احمد الفكي) , Nasiib Darro Se Muddo Kooban Markii Ay Is Qabeen Ayaa Uu Geeriyooday-2009-kii Waxaanay U Dhashay Inanteeda (ود احمذ) Oo Ah’ Wakhtigan 19- jir.

Nada Qabiil Ahaan’ Waxay Kasoo Jeedaa Qabiilada Dalkaasi Sudan Ee La Yaso, Waa Qabiilka Al-Shaad, Mana Aha’ Qabiil Weyn, Waana Dad Islaama.

Nada Markii Ay Sayaasheedii Xijaabteen, Ma Guursan Nin Sadexaad Se Waxay Awooda Saartay Fankeedii Iyo Koriimada Labadeedii Ubad Ahaa, Waxay Samaysatay Koox-U Garaacay Muusiga Oo Hababkii Hore U Garaaca, Waxaanay U Heestii Si Toosa, Oo Aan Ahayn Habka Casriga ah ‘Ee (Playback).

Waa Mid Aad Looga Jecel Yahay Qaarada Afrika, Fankeeduna Waxa Uu Ka Gudbay Xuduudaha, Waxaanay Ku Galaa Bixisaa Safaro-Faneed Badi Wadamada Afrika.

Nada Waa 44- Jir Aad Fankeeda Looga Jecelyahay Qaarada Afrika, Waa Mid Soo Jiidasho Badan, Hab-Labiskeeda, Hanaankeed-Masrixiyadeed, Hab-Luuqeedkeeda Heeseed, Waa Mid Soo Jiidatay Raga-Iyo Dumarkaba.

Loogu Iibsiga Badan Yahay Waxa Weeye Dharka Magaceeda Loo Baxshay “Nada” Ee Ay Xidhato, Xataa Habka-Cillaanka (Xinaha) Ay U Marsato, Iyada Ayaa Loogu Magac Daray Nada Oo Wuu Ka Qaalisanyahay Nashaqadaha Kale, Waxay Ku Lebistaa Nada Dahab-Aad U Qaaliya, Waana Fanaanad Qaniimo Haysata.Dharka Dumarka Ugu Badan Ee Sudan

Nada Ayaa Mar La Waydiiyey Mar Sadexaad Ma Guursan-doontaa Waxay Ku Jawaabtay Haa Se Nin Xaasle Ma Guursan Doono, Hadana Nada Waxay Diiday Guurka Niman Badan Oo Ganacsato Iyo Madax Isugu Jirta. Nada Ayaa Markan U Jan-jeedha Dhanka Dhalinyarada Maadaama Oo Ay Labadii Jeer Ee Ay Guursatayba Soo Guursatay Laba Nin Oo Da’aan Aad Uga Waaweynaa, Waxaana Mar-Suuqa U Galay Inay Guursatay Wiilka Dhalinyarada ah’ Ee Noor-Al Sho’am, Maadaama Oo Ay Aad Isugu Dhawaayeen, Taasoo Ugu Dambayn Been Noqotay.
Waana Fanaanad Baraha Bulsha Aad Looga Hadal Hayo, Welina Lama Guursan, Nada.

Nada Waxay Qaaday 240-Heesood Oo Isugu Jiray Jacayl, Wadani, Ammaan,Daadis,Dhaliil, Dhaleecayn,
32-Kamida Ayaa Ay Laxamaysay Heesahaa, Waxaanay Fara-Gelin Ku Leedahay Siyaasada Dalkaasi Sudan, Dhawr Mar Ayaa Ay Madaxweye Cumar Xasan Al-Bashiir Isku Khilaafeen Siyaasada Una Qaaday Heeso-Dhaliila Oo saamayn Badan, Ilaa Ay Heshiiyeen.

Nada Waxay Gacan-saar la Leedahay Madaxda Afrika Iyo Kuwa Carbeed Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Nigeria, Boqorka Imaratka-Carbata, iyo Madax Kale Oo badan.