Walaalayaal Aynu U Gargaarno Oo Caawino Walaasheen Oo Muddo Shan Sano Ah La Il Daran Xanuun.

Wallaalayaal, sidaynu ka warqabno, Diinteena Macaan ee Islaamku waxay ina faraysaa inaynu caawino keena dhibaataysan. Sidaa darted aynu u gurmuno oo u gargaarno, Muha Cabdi Maxamuud oo saxaradu ka soo bixi laadahay siday u dhalatay. Muha Cabdi Maxamuud waa ilmo yar oo shan jir ah, ku nool Magaalada Hargeysa. Siday waalidkeedu sheegeen, Muha Cabdi waxay la il-daran tahay, Xanuun ka asiibay dhanka Caloosha oo waxa kala xidhan Xiidmaheeda, taasoo keentay inaanay Saxaradu ka imanaynin. Qoyskeedu waa danyar aan awoodin inay geeyaan dhakhaatiirta si ilmaha yar qaliin loogu sammeeyo.

https://youtu.be/tXcDHeNHQ70

Aynu u gargaarno, qofkeena dhibaataysan si ILAAHAY inoogu gar gaaro.