Wariye Coldoon Oo Saaka Markii Labaad La Hor Keenay Maxkamadda Iyo Qodobada Lagu Soo Eedeeyay

Hargeisa(GNN):-Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta markii labaad la hor keenay Maxkamadda gobolka Maroodijeex.

Qodobada lagu soo eedeeyay Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo maanta la horkeenay maxkamaadda gobolka Maroodi-jeex waxa ka mid ah in uu sameeyay hal ku dhigga, Sida uu sheegay garyaqaan Mubaarik Cabdi, oo u doodaya Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Garyaqaan Mubaarik Cabdi ayaa qoraal uu ku baahiyay facebook waxa uu ku yidhi sidan

“Saaka subaxii waxa markii labaad la hor keenay maxakamada Gobolka maroodi jeex suxufi Abdilmalik Musa Coldoon Booliskuna waxay soo bandhigeen Eedaha ay dawladu u haysato suxufiga oo dhamantood ah qoraalada uu facebooka ku qoro sida hal ku dhiga Taliska Muuse biixi iyo taliskani wuxuu haya tabtii talisyadii hoogay,waxa cajiibka ah ee eedaha aan caqliga ku dhisnayn ka mid ah Sawirka madaxweynaha iyo sawirka Cabdi iilaygii jig jiga oo uu qoraal ku dul qoray .

Iyo Warbixin madaxweynaha laga diyaariyay xilligii u mudaharaadi jiray iyo hada sida aanu u jeclayn madaxweynuhu in la mudaharaado.
Qoraal uu facebookiisa ku qoray buu idhi laba taliye oo xanuunsaday baa cusbitaal ba la geeyay tiina waa loo xidhay .

Coldoon Eheladiisu maxakamada damaanad bay u weydiiyeen si uu debada iskaga joogo intay dacwadiisu socoto maxakamaduna dalabkoodi way ka diiday walow ay ku sababaysay qodobada hor dhaca ahi inaanay lahayn Damaanad.”

FG:Wali dacwad rasmi ah laguma Soo oogin balse waa eedaha hor dhaca ah waxaanay saamaynayaan xoriyada hadalka iyo inuu qofku si xor ah u cabiri karro Aragtidiisa isagoon cabsi qabin.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network