Wasiirka Maalgashiga Somaliland Oo Shir Caalamiya Kaga Qeyb Galay Dalka Portugal.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Somaliland Mudane Maxamed Axmed Maxamuud Cawad, ayaa shir kaga qayb galay magaalada CASCAIS, ee dalka PORTUGAL, shirkan ayaa lagu magaacabaa Horasis Global Meeting
, kaas oo socday 6-9,Apri,2019. Ujeedka shirkan loo soo qaban qaabiyay ayaa ahayd in lagaga hadlo is dhex galka dunnida iyo isku xidhnaanshaha maalgashi ee dunnida.
Shirkan ayaa Somaliland lagu casuumay waxaana ka soo qayb galay in ka badan 800 oo qof, kuwaas oo iskugu jiray madax iyo maalqabeenno dunnida ka kala socday. Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Mudane Maxamed Axmed Cawad waxa uu ka jeediyay khudbad uu kaga warramayo taariikhada Somaliland iyo ilaha maalgashi ee ay leedahay. Wasiirka ayaa ku dheeraaday sharraxaadda marxaladihii kala gaddisnaa ee ay soo martay Somaliland iyo halka ay maanta marayso, sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay fursadaha Maalgashi ee ka jira Somaliland, sida Macdanta iyo tamarta, kalluunka, beeraha, xoolaha, beeyada IWM waxa kale oo uu xusay wasiirku in Somaliland leedahay wax kaste oo suura galinaya maalgashi, taas oo uu tusaale ugu soo qaatay in Somaliland tahay dal nabad ah, dimuqraadiyadi ka hana qaadday, leh shuruuc iyo kala dambayn, tahay dal ka dhisan dhan kaste oo lagu soo hiran karo maalgashigeeda.
Ugu danbeyntiina Horasis Global Meeting, ayaa ah shirka ugu wayn caalamka ee ay iskugu yimaaddaan hogaamiyayaasha iyo ganacsatada caalamku badi

 

Gabiley.Net