Wiil shan jir ah oo booliiska u sahlay in la helo maydka hooyadii oo la dilay

Wiil yar oo Jarmalka u dhashay ayaa booliiska Spain ka caawiyay sidii ay ku heli lahaayeen maydka hooyadii iyo wiil ay walaalo yihiin oo toban jir ah, kuwaas oo lagu tuuray bohol ku taalla jasiiradda Tenerife.

Booliiska ayaa xabsiga dhigay wiilka yar aabihii oo Jarmal ah waxaana looga shakisan yahay in uu dilay labadaas ruux.

Dadka deegaanka ayaa booliiska war galiyay ka dib markii ay arkeen ilmo yar oo shan jir ah oo kolba dhan ugu ordaya meel u dhaw buuraha Adeje, Arbacadii.

Warbaahinta Spain ayaa ku warramaysa in hooyada Jarmalka u dhalatay iyo wiilasheedu ay Spain u tageen si ay u soo arkaan aabahood. Ninkan ayaana daganaa Tenerife.

 

Ninka ayaa laga soo xiray gurigii uu daganaa, waxaana la sheegay in arrintaasi aysan si sahlan u qabsoomin.

Waxay u muuqataa in labadan qof ee dhintay la jir dilay.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalkaas ayaa cambaareeyay falkan, xukuumadduna waxay sheegtay in ay ula dhaqmayso sidii mashaakil qoys. Spain ayaa doorasho guud u dareeraysa Axadda

Jasiiraddaha Canary ayaa caan ku ah dalxiiseyaasha Jarmalka iyo UK.

Jarmal

Wargayska El País ayaa sheegay in bohosha la helay ka dib markii baaritaan dheer laga sameeyay buurta oo ceeryaamo lahayd – waddada loo marayo ayaana laga helay saacadda gacanta lagu xirto.

Jaraa’iidka oo ilo soo xiganaya ayaa sheegay in aabuhu uu ahaa nin qalafsan isla markaasna uu diiday in uu booliiska siiyo macluumaad ku saabsan wiilkiisa iyo hooyaddii u dhashay.

“Dil ayaa looga shakisan yahay” ayay tiri afhayeen booliiska ka tirsan oo BBC la hadashay.

Ninka laga shakisan yahay ayaa lagu hayaa saldhig booliis oo ku yaalla Playa de las Americas oo u dhaw Adeje, waxayna u badan tahay in garsoore baaritaan samaynaya la hor gayn doono Jimcan.

KHARIIDAD

Haweenay la dhoho Rosi ayaa warbaahinta Spain u sheegtay sida ay u aragtay wiilka shan jirka ah oo daalan wajiguna guduutay.

Muuqaal la soo dhigay website-ka La Vanguardia ayay haweenaydani ku sheegtay in wiilku “uu ku dhagay gacanteeda” uuna aad u daalanaa”.

Jarmalka ma uusan fahmayn, Rosi ayaana sheegay in ay heshay qof turjumaan ah kaas oo sheegay “in wiilku leeyahay waan soo baxsaday, waana soo cararay.”

Wiilka waxaa hadda gacanta ku haya waaxda baxnaanada qoyska ee jasiiradaha Canary Islands, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Efe ee dalka Spain.

Waaxdan ayaa la xiriirtay mid ka mid ah xubnaha qoyska iyaga oo u sii maray qunsuliyadda Jarmalka, kaas oo hadda u socdaalaya Tenerife si uu wiilka yar ula kulmo.

Balse waaxda caddaaladda ayaa go’aamin doonta wakhtiga wiilka lagu celin karo Jarmalka, maadaama oo hadda baaritaan la wado.

GABILEY.NET