Xeer-Ilaaliye Ku Xigeenkii Mareykanka Oo Is Casiley + [ Sababta ]

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Mareykaka Rod Rosenstein, ayaa shaaca ka qaaday in uu is casilaayo islamarkaasina uu shaqada ka tagaayo 11-ka bisha May ee soo socota.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin sababta shaqo ka tagistiisa, ayaa haddana waxa hore u jirey kala fikir duwanaashiyo u dhaxeeyay isaga iyo madaxda isaga ka sareysa.

Arrimahaasi ayaa waxa uu Jamaal Axmed Cismaan ka wareystay C/qafaar Cabdi Wardheere oo ka faallooda arrimaha Mareykanka, kuna dhaqan gobolka Virginia ee duleedka Washington D.C.