Xildhibaano Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Go’aanka Xisbiyada UCID Iyo Kulmiye

Hargeysa (Gnet)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan go’aanka ay sida wada jirka ah u soo wada saareen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, diidmada Xisbiga Waddani, Maceeshada qaaliga ah iyo qiimaha sarifka ee hoos u dhacay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka tirsan Xisbiga Waddani, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, wuxuu Xisbiyada ugu baaqay inay isku tanaasul ay sameeyaan, wixii ay isku hayaana ay ka heshiiyaan, waxaanu yidhi “Somaliland isku tanaasul iyo is qancin bay halkaas ku soo gaadhay, markaas anigu waxaan mar walba danaynayaa sida uu dastuurku dhigayo in la isku tanaasulo, oo la is qanciyo, taas ayaan xal u arkaa”.

Mar uu ka hadlaayey qiimaha maceeshada ee qaaliga ah iyo qiimaha sarifka ee hoos u dhacay ayaa yidhi “In Lacagteena Somaliland tayo yeelato, oo shilinkeenu tayo yeesho, oo wax lagu kala iibsado, oo kirooyinka lagu biixiyo, oo goobaha ganacsi iyo goobaha waxbarasho lagu bixiyo,oo Shacabkeenu aad u isticmaalahan, halka ay ka isticmaali lahaayeen lacagaha qalaad waa mid loo baahan yahay,  waxaan se anigu ku talinayaa in maceeshada loo jabiyo dadka masaakiinta ah, oo sida uu doolarku u jabay, maceeshadana loogu jabiyo, iyada oo la ixtiraamayo bila’aadanimada iyo dadnimada, iyo dadkeena danyarta ah, waxaana ku talinayaa inaynu isku duubnaano, oo aynu is taageerno, oo dadkeena baahan aynu u gurmano”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo isna ka hadlaya aragtidiisa ku waajahan  go’aanka Xisbiyada UCID iyo Kulmiye gaadheen ayaa yidhi “In Doorashada la galo oo la qabto waa la ogol yahay, oo waanu ogol nahay, waxaanu se doonaynaa inay Somaliland oo dhami Doorashada gasho, waxaanada mooda in Xisbiyada Kulmiye iyo UCID wax gaar ah eryanayaan,mar haddii uu Xisbiga Waddani uu yidhi kuma kalsooni garsoorka Komishanka, Xisbigu xaq buu u leeyahay in laga bedelo oo Komishan kale la sameeyo, waana inagu ceeb iyada oo la helayo dad daacad ah oo Garsoor dhex ah noqda, in Komishankani sii joogana meesha, Xisbiga kulmiyena garan mayno wuxuu uga dhegan yahay, ee waxbaa jira, ee haddii la doonayo inay dalka Doorashooyin ka dhacaan waa in la bedelaa Komishankan, ta kale  maaha in Wasiirka Arrimaha Gudduhu uu faraha la galo waxaanu garanaynin, ee waa inuu wax ka weydiiyaa dad wax garanaya,  saami qaybsiga kow laga dhigaa, oo beelaha darafyadu waxay xaqa u leeyihiin waa inay helaan, maxaa yeelay doodii iyo raggii cabanaayey weynu arkaynay, markaas Beelaha darafyadu wey cabanayaan, waxay ka cabanayaana in wax laga qabtaa waa daruuri, markaas saami qaybsiga iyo tirikoobkaba waa in la sameeyaa, tan kale ee ay leeyihiin Madaxweynaha iyo Wasiirka Dakhligu kooto ha loo xidho Haweenka, waa  sharci daro, Dastuurkuna ma ogola, qof kasta oo Somaliland waa la dooranayaa, waxna uu dooran karaa, markaas Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxaan leeyahay wax kooto la yidhaahda ma jirto ee saami qaybsiga kootada ka muhiimsan”.

Mar uu ka hadlaayey Maceeshada ayaa yidhi “Waa ayaan daro in Maceeshaduna ay cirka sii gasho, doolarkuna uu jabo, ninka askariga ah ee qaata 80 doolar, ee shanta caruurta leh uu dhiban yahay, inta la leeyahay Madaxtooyo cusub ayaa la dihsayaa, waxay ahayd in la daryeelo askarta jiida joogta, qoysaskooda, oo maceeshada laga jabiyo, mushahaaradkana loo kordhiyo, Caasimadda Somaliland waa Hargeysa, Madaxtooyaduna waxay ku taala meel umadda u dhex ah, oo aan xaafad ama degmo gaar ah lagu tilmaami karin, laakiin in halkaas laga raro oo degmo gaar ah oo Maadaxweynaha xaafadiisiya loo raraa waa sharci daro, ee Madaxweynuhu haddii uu doonayo halkaas inuu guriyo waawyn ha ka sameeysto, oo masaakiinta ha daayo, Madaxtooyadana halkeeda ha u daayo, haddii la doorbiday in Madaxtooyo cusub dalka loo dihsana, xaafada State House-ka ldadkaas degan ha laga raro oo guriyo ha loo dhiso, kadibna Madaxtooyo balaadhan ha laga dhiso”