Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Gudaha U Galay Kenya Oo La Baadi-Goobayo

Ku-xigeenka Afhayeenka Boliska Kenya, Anthony Munga waxa uu ku booriyey dadka Kenyanka inay gacan ka geystaan sidii lagu heli lahaa Warabixin horseedi karta in la soo qabto 3 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad Khatar oo hubeysan oo dhibaatayn kara Mujtamaca, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu soo bandhigay sawiradda ragga ka tirsan Alshabaab ee ay Boliska baadi-goobayeen, inkastoo aanu shaacinin magacyadooda.

Waxa uu ugu baaqay 3-da Eedeysane ee soo bandhigay Sawiradooda inay isku soo dhiibaan Hay’addaha Ammaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Afhayeenka Boliska Kenya, Anthony Munga waxa uu ugu baaqay dadka ay ehelkooda ku biireen Alshabaab iyo Daacish inay Saldhigga Boliska ee ugu dhow ku wargeliyaan haddii ay dadkaasi soo laabtaan iyo kuwa kale ee qorsheynayaa inay dhoofaan, si ay ugu biiraan Ururadda Jihaadistayaasha, waa sida uu hadalka u yidhi

Waxa uu intaasi ku daray inay mar hore qaadeen Talaabo Sharci oo ka dhan ah kuwa ku guul-daraystay inay soo gudbiyaan Warbiixnta ku aadan dadka ehelkooda ee ku biiray Kooxaha uu ugu yeeray Jihaadistayaasha.

Ku-xigeenka Afhayeenka Boliska Kenya waxa kale oo uu tilmaamay qoysaska ka gaabsaday inay Boliska soo war geliyaan la soo dacweyn doono, isla markaana ay muteysan karaan xabsi ugu yaraan 3 sanno ah.

GABILEY.NET