Barcelona Oo Cashar U Dhigtay Liverpool + Tirada Goolasha Laga Dhaliyay Liverpool.

Lionel Messi oo labo gool dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa gacan ka gaystay in Barcelona ay fursad baaxad wayn hesho isla markaasna culays badan saarto kooxda Liverpool marka ay timaaddo u soo bixitaanka wareegga xiga ee Horyaallada Yurub.

Liverpool ayaa ku gacan sarraysay ciyaarta inkastoo uu gool kala hormaray Luis Suarez qaybtii hore ee ciyaarta, balse waxaa labo gool ugu daray ciyaartoyga lambarka 10 uga dheela Barcelona.

 

Goosha uu Suarez dhaliyaya ayaa ahayd middii 600 ee uu u dhaliyo naadiga awoodda ku dhe leh ciyaaraha Spain.

Liverpool ayaa gool muhiim ah dhalin gaartay balse weerarkii Roberto Firmino ayaa la badbaadiyay, Maxamed Salaax oo fursad helay ayaa ka dibna birta ku dhuftay baddalkii uu dhalin lahaa.

Nasiib xumo Liverpool ka soo wajahday garoonka Nou Camp

Tababare Klopp muxuu waydiisan karaan lugta labaad oo Talaadada soo socota ka dhici doonta garoonkooda Anfield, ka dib markii kooxdiisu ay ciyaar wanaagsan kala hortagtay kooxda la saadaalinayo in ay qaadi doonto koobka.

adio Mane oo 15 gool u dhaliyay kooxda ka dib 18 kulan oo uu u soo dheelay ayaa si qurux badan u weeraray goosha isaga oo siddeed yaardi u jira, balse waxba kama soo naaso caddaan.

Intii ay gacan sarreeyeenna ciyaartana fursad uu Milner gool u badali karay ayuu ka hor istaagay Ter Stegen.

Inkastoo Messi goolal ka dhaliyay haddana Liverpool goroddda ma laadlaadin, balse raggoodii ugu wanaagsanaa ayaan sidii looga bartay la iman, labo jaanis oo soo maray Firmino iyo Salah oo la is lahaa goolal ayay noqon doonaan ayaysan ka faa’iidaysan.

Liverpool ayaa lagu yaqaannaa in ay si cajiib ah saddex gool isaga soo guddo. Mar kale ayaana looga fadhiyaa in ay toddobaadka dambe iska soo guddo.

BBC