urur waa kooxo dad ah oo isku tagay oo isku hadafa oo leh ujeedo qudha oo ay wadagaan kuna heshiiyaan sidii ay bulshada ugu shaqayn lahaayeen una mara dariiq ku haboon ee doorasho iyo nidaam codbixineed kulana wareega ubucda dalka looga taliyo .
Hadaba marka aad rabto in aad urur furato waxaa lugu soo xulaa shurrudo iyo qodob kadhigaya in uu ururkaasi noqdo xisbi qaran ( national party) ah oo ka gudbay shuruudahii (procedures ) iyo waqtiigii loo qabatay in uu isku ( register ) diiwaan galiyo kana gudbay shuruudahii loo baahnaa
Hadab gudiga doorashooyinaku waxay uga baahan yahiin ururka cusub ee u baahn in uu xisbi qaran noqdo shurrudahan.
Waa in ugu yaraan xubno ka yahiin yahiin 15000 kun oo qof iyo in kabadanba oo lab iyo dhedig bal eh
- In soo gudbiyo warbixin qeexaysa waxa uu doonayo in uu u qabto dadka iyo dalka
- In uu bixiyo lacagta dowladu u qoondayso iyo in uu haysto lacag kayd aha oo gaadhaysa ,$ 500,000 kun oo doller oo .
In aa nu noqon xisbi awoodiisu ku ururtay ( certerlized) shaqsi oo uu noqdaa mid( decentralized )oo ay ka muuqato maamula daadejin oo aanu noqon xisbi maro kudheg ah. Oo budh la duul aha.
In uu loo diiwaan galiyo (logo) gadiisa si aanu xisbiyada kale ugu khaldamin amaba ula mid noqon .
In uu gobolada dalka iyo degmooyinka ka furan karo xafiisyo, kana heli karaa cod dhan 50%
Inaanu ahaan uru ay dabada ka riixayaan dowlado shisheye ,kuna tiirsan maaliyad ahaan iyo aqoon ahaanba
- In dadka xubnaha ka ahi ahaadaan dad mawaadiniin ah,
Waa in ururku si xor aha uga ololayn karaa gobolada iyo degmooyinka ilaa inta uu ka hadhayo amaba ku guulaysanaayo ee uu noqonaayo xisbi siyaasadeed ( political party ) , wax is hortaagiina aanay jirin, hadaba shuruuradahu way badanaan karaan lagu xidhayo ururada,
Hadaba mandaqadan geeska afrika oo in badan la soo baaxaa degaysay isbedel si ay isbedel u heshan dagaalo badan iyo rafaad badan u soo martay ,waxaad moodaa wali in aanay u bislayn xisbiyo badan oo xukunka kula kala wareega ( one vote one man) oo si cadaalad iyo isku tanaasul u dhacada, waayo, hadii aynu ka soo qaadno djabuoty oo kale lama odhan karo doorashaa ka dhacda, waxaa la odhan karaa waxaa ka dhacdhacda doorasho hal xisbi, oo sanad walba nin uun baa saaxda taagan.
Matalan Ethiopia oo iyada ku jirta xaalad kala guur aha ,ma cada wali (criteria and registration ) loo bilaabay ururadii cusbaa iyo furashadoodii si loo helo xisbiyo isbedel keena.
Muqdisho iyada haba sheegin waxaad moodaa iyada in sida look ala tikniko badan yahay loo xusho ururada ,waayo kolba mid baad maqlaysaa la iskaga dhawaaqayo isagoon marin shuruudahii. Iyadoo wali mugdi ku jiro nabdii iyo deganaashahii , ( peace and stability )
Somaliland iyada waxaa jira xisbi aan ilaahada la garanayn sid uu ku soo baxay oo isaga rag odayaal ah oo dalkan soo maray u jeedo ka lahaayeen. Ujeedooyinkii laga lahaan way soo dhamaanaysaa ,waxayna iskugu biyo shubanaysaa xisbi kaliya in uu ka taliyo Somaliland
Iyada Ereteriya haba sheegin wali waxay ka soo kaban laadahay cunoqabatayntii ay saartay UN ,madaxwaynaha Eretriyana taladaba uguma jirto in uu xisbiyo kale ogolaado
Gabogabadii
Ururadu waxay dan u yahiin mandaqada geeska afrika , waxaana haboon in madaxda geeska afrika ka wada fadhiistaan oo wax iska waydiiyaan sidii ururo u gudba xisbiyo loo furan lahaa oo isbedel mug leh ka dhaliya geeska , umadana u horseeda horumar iyo deganaasho.
By: khadar adam aw muuse
mixile190@gmail.com