Dawlada Qatar Yaa Uga Qeyb Galaya Shirka Golaha Iskaashiga Dalalka Khaliijka ?

Sucuudiga (GNN):- Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka ka dhacaya magaalada barakeysan ee Makka, kaasoo uu iclaamiyay Boqorka Sacuudiga.

Waa wafdigii ugu heerka sareeyay ee ka socda Qatar oo ka qeyb geli doona Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka iyo shir kale oo gaar u ah Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa todobaadkan guddoomay warqad casuumaad ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shirka ka dhacaya magaalada Makkah.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijiyay in shirka oo maanta dhacaya uu ka qeyb geli doono Ra’iisul Wasaaraha Qatar, kaasoo noqonaya Mas’uulkii ugu heerka sareeyay oo Qatar ka socda oo hor-fariisan doona dalalka Baxreyn, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo labo sano ka hor xiriirka u jaray

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaalada Gobolka iyo Islaamka, gaar ahaan Xiisada Sacuudiga iyo Iiraan, caqabadaha ka jira dalka Yemen iyo weerarada Kooxda Xuutiyiinta ku hayaan danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

GABILEY.NET

Exit mobile version