Deg Deg Dablaydii Dishay Labada Sargaal Ee Ka Tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland Oo La Qabtay

Hargaysa (GNN) Dablaydii dhawaan ku dishay gobolka Sanaag laba sargaal ee ka trisanaa ciidamada qaranka Somaliland ayaa gacanta lagu dhigay

sida uu sheegay Boqor Buurmadaw oo ka tirsan madax dhaqameedka Somaliland.

Boqor Buurmadaw ayaa ka tacsiyadeeyay ciidamada qaranka Somaliland iyo ehelkii ay ka baxeenba labada marxuum ee dhintay, waxaanu sheegay in Beeshiisu ay go’aan ka qaadatay dhacdadaasi “Anagu ka beel ahaan waxaanu go’aan ku qaadanay in inamadaa la soo qabto cadaaladana la horgeeyo, wixii walaalahayo ay ku gancayaana aanu markaa yeelno, waxaanan hada kuugu buushaaraynayaa in hada gacanta lagu hayo oo la qabtay, go’aanka reerku qaatay ayaana sahlay in gacanta lagu soo dhigo, sidaan warka ku hayo intoodii badnayd gacanta ayaa lagu hayaa, shareecadaanay wajahayaan, ciidamada iyo qarankana waan ka tacsiyadaynayaa arinkaa, hawshaasina sidaan ka warhayo waa gabo gabo, anaguna hawshii aanu lahayn waanu qaadanay, dalkuna umaba baahna bandoo iyo milateri lagu wareejo, shacabkana cid wasakhaysani kuma dhex dhuuman karto ” ayuu yidhi boqor Buurmadaw oo u waramay muuqaal baahiya Bulsho TV.

Dhinaca kale waxa uu Boqor Buurmadaw sheegay in aanu gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax aanu Daacad U ahayn Somaliland isagoo ku eedeeyay in uu ku tuntay sharcigii ” waxa uu Baashe ku tuntay sharcigii iyo xeer hoosaadkii iyo hanaankii dimuqraadiyada, waxaanan u arkaa nin aan hogaamin Karin golaha, waxaanan soo jeedin lahaa in loo doorto golaha cid hogaamin karta” ayuu yidhi.

  1. Hadalkan boqor Buurmadaw ayaa ku soo beegmay xili madaxwaynaha Somaliland uu xaalad deg deg ah ku soo rogay degmooyin ka tisran Gobolka Sanaag. Taasi oo maalintii shalay ahayd uu fadhi Baarlamaanka Somaliland uu yeeshayna aanu ka soo bixin go’aan cadi, kadib markii Gudoomiye Baashe uu si deg deg ah u xidhay fadhiga.

GABILEY.NET