Deg Deg Injineer u Dhashay dalka Turkiga oo Lagu Dilay Muqdisho

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeryooday qof kalana waa uu ku dhaawacmay ,kaddib qarax gaadhi oo ka dhacay Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho,

Qofka geeryooday oo la sheegay inuu u dhashay dalka Turkiga ayaa qaraxa waxaa ka soo gaadhay dhaawac culus, oo markii dambe uu u geeryooday,iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan qofka geeryooday inuu ahaa Injineer.

“Qaraxa wuxuu ahaa nooca gaadiidka lagu xidho, gaari Qooqan ah ayaana lagu xidhay“. qof goobjooge ah ayaa sida u sheegay warbaahinta.

Ciidammo ka tirsan kuwa Booliska ee maamulka somalia ayaa tegay goobta uu qaraxa ka dhacay,kuwaasi oo xidhay halkaasi.

Gnet