Deg Deg Marakiib Ay Leedahay Imaaraadka Carabta Oo La Weeraray

Dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in afar markab oo kuwa ganacsiga ah lagu qaaday weerarro lagu waxyeellaynayo maanta meel u dhow biyaheeda Gacanka Cumaan.

Imaaraadku waxa uu sheegay in shaqaalihii saarnaa aan wax dhimasho iyo dhaawac ah soo gaarin, sidoo kale waxay sheegtay inaan maraakiibtaasi ka daadanin wax kiimiko ah oo halis ku ah bii’ada.

Wakaaladda wararka UAE ayaa sheegtay in dadka weerarka qaaday ay doonayeen inay halis geliyaan nolosha dadka saaran maraakiibtaasi, waxayna ugu baaqday beesha caalamka in la qaado tallaabooyin looga hortagayo.

Meesha falkan ka dhacay ayaa UAE waxay ku sheegtay inay dhinaca bari kaga beegan tahay dekedda Fujairah.

GABILEY.NET