Deg Deg Waxa Hada Isbitaalka Hargeysa Ku geeriyooday Marxuum Cabdikariim Xuseen( Xaaji Cabdi-waraabe)

Inaali Laahi Wainaali Laahi Raajacuun”

Waxa  Goor-dhawayd Ku Geeriyooday Cisbitaalka  Magaalada Hargeysa Oo Xaalad Caafiamad Ujiifay,Marxuum Cabdikariim Xuseen( Xaaji Cabdi-waraabe)Xildhibaanka ayaa waxa uu ku jiraa shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee dhidibada u taagay nabada iyo xasilinta somaliland,waxaana uu ka soo qayb qaatay shirarkii badnaa ee lagu yagleelay somaliland.

Marxuumku Waxa Uu Kamid Ahaa Golaha Guurtida Somaliland 30kii Sanno Ee U Dambeeyayba Wuxuna Mudo Dheer Ahaa Mudanaha Ugu Da,da Weyn Guurtida Somaliland,Waxa Kale Oo Uu Ahaa Odayaashii Bud-dhiga U Ahaa Ee Aasaasay Kuna Dhawaaqay Gooni-isutaaga Somaliland,

Waxa Lagu Yiqiinay Oo Uu Caan Ku Ahaa  In Uu Markasta Ka Shaqeynayay Maslaxada Umadda Iyo In Nabad Lagu Wada Noolaado,Wakhtigiisii Oo DHan Wuxu Ku Bixiyay Xasilinta Iyo Hanaqaadka Jamhuuriyada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka hormuudka u ahaa nabad waxaana uu deegaanadda somaliland tagay isaga oo ergo u ah inuu heshiis kala dhex-dheg beelo kasta oo islaaya,Waxa uu kala joojiyay beelo isku hub uruursanayay waxaana magaciisa bulshadu u taqaanay aabihii samaha iyo nabadda,waxaana lagu xasuusan doonaa talooyinkiisii waayeelnimo ee bulshadda somaliland ku caano maashay.

Xildhibaan Cabdi kariin xuseen cabdi waraabe waxa uu ahaa odayaasha ku suntan nabada,waxaana lagu xasuusan doonaa kaalinta uu qaranka kaga jiraY sida uu nabad markasta shay kasta uga horaysiin jiray,waxaana uu ahaa samo talis bulshadda somaliland mahadisay hadalkiisa oo tuf lahaa.

Alle ha u naxariisto janooyinkiisana haku casuumo goor dhawayd ayuu ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaaladda hargaysa oo maalmihii ugu dambeeyay uu xaalad caafimaad u jiifay.

Ilaahay Ha U Naxariisto Marxuum Cabdi-waraabe Aamiin Aamiin”

Inaali Laahi Wainaali Laahi Raajacuun”