Dhul-Gariir Ruxay Caasimadda Dalka Jaban

Telefishinka Dowladda Japan ee NHK ayaa sheegay inuu dhul-gariir awood dhexe lahaa uu maanta ka dhacay Bariga dalkaasi, iyadoo ay ruxmeen Dhismooyin ku yaalla magaalladda Tokiyo.

Dhul-gariirkaasi  ayaa la sheegay inuu dhacay 20 daqiiqo ka hor,  inta aysan  Diyaaradii uu la socday Madaxweyne Trump soo caga-dhiganin Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Tokiyo.

Ubucda dhul-gariirka ayaa la sheegay inuu ka dhacay Koonfurta Jiiba oo 60-KM dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Tokiyo, iyadoo la filayo inay Madaxweyne Trump iyo Ra’isul-wasaraaha Japan, Shinzo Abe berrito ku ciyaaraan ciyaarta Xeegada ama Golofka.

Madaxweyne Trump iyo Xaaskiisa, Melania waxaa la filayaa inay booqasho 4 maalmood ah ku joogi doonaan dalka Japan, wuxuuna Trump la kulmi doona Boqorka Japan iyo Ra’isul-wasaare Shinzo Abe.

Kumanaan Askar ayaa la dhigay Waddooyinka magaalladda Tokyo, waxaana la adkeeyey Ammaanka Guud ee dalkaasi.