Itoobiya Oo Shaacisay Xadiga Shiidaalka Dabiiciga Ah Ee Laga Helay Deegaanka Soomaalida

Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain ee New Age (African Global Energy Ltd) iney deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay keyd gaaska dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.

.

 

Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Ethiopia Guang Tulam oo u warramay wargeyska The Reporter oo ka mid ah wargeysyada gaarka loo leeyahay ee ugu afka dheer dalka Itoobiya ayaa sheegay iney shirkadda baaritaan muddo wadday ay ku heshay keyd gaaska dabiiciga oo garaya 1.6 Trillion laga helay Deegaanka Hala-quraan.

“Hadda waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan gaaskaasi dalku uga faa’ideysan lahaa iyo siyaabaha ugu habboon oo lagu suuq geyn karo.” ayuu yiri Guang.

Shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee Greencom ayaa wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ka codsatay iney gaaska dabiiciga ee la helay ay soo saarto. Greencom waxay soo jeedisay qorshe ku aaddan gaaska dabiiciga iney soo saarto ayna gaaskaasi ka soo saarto shidaal nocyadiisa kala duwan.

Shirkadda Greencom waxay sheegtay iney dooneyso iney isticmaasho teknooloojiyadda GTL oo gaaska dareere u baddalo kaddibna ay soo saarto Gaaska iyo Saliidda. Soo saaridda iyo kala saaridda shidaalka lacagta ku baxeysana waxaa lagu qayaasay 2 bilyan oo doolar.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdinta iyo Shidaalka ee dalka Ethiopia Guang Tulam

 

“Teknoloojiydda GTL waxaa laga tijaabiyey lagana hirgeliyey waddama badan” ayuu yiri Guang. Waxaa Greencom ay naga dooneysana waxaa weeye ayuu yiri inaan u oggolaanno iney gaaska noo soo saarto iyada oo adeegsaneyso teknooloojiyadda GTL.

“Waxaanna u sheegnay inaan arrinta kala tashaneyno shirkadda New Age ee gaaskaasi baaritaanka ku heshay” ayuuna sii raaciyey.

Shirkadda shinah laga leeyahay ee Poly GCL ayaa ku howlan sida ay deegaanka Soomaalida gaas dabiici ah oo horay looga helay ay u soo saari lahayd. Shirkadda Poly GCL oo heshiis ay shidaalka uga soo saareyso aagagga Kaalub, Hilaala ay la gashay dowladda Itoobiya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdinta iyo Shidaalka ee dalka Ethiopia Guang Tulam wuxuu sheegay “Shirkadda Poly GCL iney gaas dabiici ah oo dhan 4.7 Trilion Cubic Feet. Waxayna howsha ay gaaska ku soo saareyso barbar waddaa baaritaanno kale ee ceelal cusub oo ay ka qodeyso deegaanada keydka shidaalka laga helay.”

“Ilaa iyo haddana waxay shirkadda Poly GCL keydka Shidaaka ee ay heshay ee ahaa 4.7 Trillion waxay gaarsiisay 6.7 Trillion” ayuu yiri Guang Tulam.

Keydka gaaska dabiiciga ee ay Itoobiya ka heshay deegaanka Soomalida sidi uu dalku uga faa’ideysan lahaa waxaa in mudda ah darsad wadday shirkad madax bannaan waxayna noo soo bandhigtay daraasddii ay sameysay . “Cid walba oo ay darasaddaasi quseyseyna waa la gaarsiiyey anaga ahaanna natiijada daraasadda suuqgeynta gaas, waan aqbalnay” ayuu yiri.

Gaaska laga soo saaraya aagagga Kaalub iyo Hilaala waxaa tuubbooyin dhererkoodu gaarayo 760 km looga qaadayaa dakadda Jabuuti si loogu sifeeyo. Dalka Shiinahana waxaa u qorsheeysan gaaska uu soo sarayo isaga oo Teknooloojiyadda casriga ah adeeganay iney darera u beddelaan kaddibna ay dalkooda u dhoofiyaan.

Itoobiya iyo Jabuutina waxay kala saxiixdeen heshiiska Tuubbooyinka gaaska wada dalkeeda lagu soo gaarsiinayo.

“Shirkadda Poly GCL oo heshiiska tuubbooyinka gaaska qaadayo lagu gaarsiinayo Jabuuti iyo Itoobiya la gashay waxay hadda waddaa darsidda naqshadda tuubbooyinka halka la marin lahaa, howlaha naqshadeynta marka ay shirkaddu dhammeysana ay dhismaha tuubbooyinka ay ku qaadaneyso muddo seddex sana ah, 2021-kana la billaabayo shidaalka in la dhoofiyo.” ayuu yiri Guang.

Shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Poly GCL waxay keyd shidaal ay ka heshay aagga Hilaala. Waxayna tijaabada shidaalka ugu horreyey ay sameeysy bishii June 2018-kii.

Hase yeeshee, khubaro madax bannaan oo u warrantay wargeyska The Reporter waxay sheegeen “36 bilood ee shirkadda loo qabtay iney shidaal ku soo sarto ay aad u badan tahay, waddamada caalamka intooda shidaalka soo saratay ay soo saaridda tijaabada ah u qabtaan waxa aan ka badneen lix bilood.”

Dhul dhan 350,000 oo km oo isku wareeg ah oo dalka Itoobiya shidaal laga baarayey, deegaanka Soomaalida ayaa noqday deegaanka laga helay keydka shidal ee ugu badan.

ONLF maxay shidaalka ka tiri?

Jabhadda ONLF ayaa dhaliishay go’aanka ay dawladda Itoobiya shidaalka uga soo saartay Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay” ayuu yiri Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge.

Caddaani oo waraysi gaar ah siiyay BBC ayaa la waydiiyay: haddii gobolku uu ka mid yahay Itoobiya kharashka lagu soo saarayna ay bixisay oo shirkad qandaraas ku siisay hantida Itoobiyoo dhan baa leh, marka soo kama haboona in aad dadka u ogolaataan nolol iyo hormarkooda?

“Anagu Itoobiya kama mid nihin, dhaqaalaheeda lama lihin, siyaasadda Itoobiya waxba kuma lihin, dad la haystaan nahay qoribaana lagu qabsaday walina waan diidanayn oo iska caabin baan wadnay waana sii wadi doonnaa, hantida shacbi Soomaaliyeed baa iska leh Itoobiyana ma laha” ayuu yiri caddaani.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana oo soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkaana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.

“Waxaa muhiimka ah ayaa waxa uu yahay qaabka uu wadanka u isticmaalayo kheyraadka.

“Waa qasab in aan isku raacno in si xaq iyo sinaan ah loo qaybsado kheyraadka,” ayuu yiri Rai’sal wasaare Abiy.

Raisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar.

“Mararka qaar kheyraadka ayaa horseeda dagaal sida ka dhacday dalalka kale,” ayu yiri Dr Abiy.

Balse dhaqaalaha ka so baxa ayaa si tartiibtartiib ah u kordhi doona waxaana lagu wadaa in uu gaaro 7 bilyan oo doolar.

Khuburada ayaa sheegaya in khayraadkan dabiiciga ah haddii si xaq ah oo wanaagsan loo isticmaalo uu gacan ka gaysan doono in lacagta Itoobiya uu qiimaheedu sare u kaco islamarkana uu dhaqaalaha dalkaasi si xawli ah u kobco.

Ibraahim Sheekh Muxumed, {Ibraahim Dheere} oo horay madax uga ahaa ururukii UWSLF, ee xoreynta Soomaali galbeed oo Itoobiya horay ula heshiiyay ayaa sheegay in ay tahay fursad aad u fiican oo ay dadka deegaankaasi sugayeen muddo qarni ka badan.

2007 ayay ahayd markii 11 injineer oo u dhashay dalka Shiinaha iyo 74 qof oo ah dadka u dhashay dalkaasi ay jabhadda ONLF ku dileen halkaasi.

Balse gobolka ayaa imika la sheegay in uu ammaan yahay .