Iyo In Talaabo Laga Qaado Goobaha Lagu Kariyo Raashinka Xaaraanta Ah Bisha Rabadaan.

Hargeysa (GNN):- Axmed Xaaji Cali Caddami, oo ahaa Wasiirkii Gaashandhiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo, ayaa Axsaabta Qaranka ugu baaqay inay isku tanaasulaan, kana heshiiyaan khilaafkooda ku waajahan Doorashada iyo Komishanka.Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada uu dalku marayo, waxaanu ugu horeyn  isagoo ka hadlaya Doorashada,  Komishanka iyo Axsaabta ayaa yidhi

“Axsaabta Qaranka intii cid kale ay soo kala dhex gali lahayd waxay ahayd inay dhexdooda khilaafka ka dhamaystaan,Ingiriiska iyo Beesha Caalamkuba waa kuwaas oo maanta ku baaqaya si ay Doorashooyinku inoogu dhacaan inay Axsaabtu heshiiyaan, markaas Axsaabtu dib ha iskugu noqdaan, oo ha isku tanaasulaan, oo wixii khilaaf siyaasadeed ee ka dhex taagan xal ha ka gaadhan, oo xal ha ka gaadhan khilaafkooda Doorashada iyo Komishanka”.

Mar uu ka hadlaayey xaalada dalka iyo xaaladii deg dega ahayd ee ay golaha wakiiladu diideen iyo talo uu u soo jeediyey Xukuumadda ayaa ayaa yidhi

“Anigu markii hore Bandooga waan ka soo horjeeday, oo raali kamaan ahayn, Bandoona waxba laguma xaliyo,ee Xukuumaddu waxay ahayd inay dhan kale uga wareegto,  Barlamaankuna waa kuwaas oo wey diideenba, ILLAAHAY ayaa wax walba qadaray, qadar kastana ALLE ayaa qoray, laakiin inagu wixii wanaagsan ALLE ayeynu u nisbaynaynaa, wax kasta oo xuna Shaydaan ayaa ku shaqo leh, markaas raggaas dhagarta galay, Xukuumadda iyo Ciidamadaba waan ku hambalyeynayaa, waana ku bogaadinayaa qabashadooda, Ciidamaduna maaha qabiil, maaha reer, waa Ciidamadii Qaranka, umaddana dhex ayey u yihiin,dabcan waxaan aad iyagana ugu mahadnaqayaa Wax-garadka, Odayaasha iyo Aqoonyahanka reer Awdal, oo door lixaad leh ka qaatay dajinta xaaladan, marka ay dhbi dhacdana waxaa loo baahan yahay in lagu dadaalo sidii looga taxadiri lahaa inay dhib kale oo ka weyni dhacdo,  ee waa in dhibkaas laga hor tagaa intaanay sii fidin”

Mar uu ka hadlaayey Odayaal ka soo  jeeda Sanaag Barri iyo waxay kala hadleen Xukuumadda ayaa yidhi “Wey jiraan in Odayaal iyo Wax-garad ka soo jeeda Sanaag Barri, ay halkan yimaadeen, waxyaabo badan ayey Xukuumadda kala hadleen, waxyabaas labada dhinaca ka wada hadleena waxaanu jecel nahay inay sidooda u fulaan, dabcan abaaro ayaa jira, waxaa kale oo jira waxyaabo badan oo u baahan in wax laga qabto, waxaana ku rajo weynahay in Xukuumaddu wax ka qaban doonto”.

Source:- Geeska