Korea-da Waqooyi Oo Gantaal Cusub Tijaabisay

Korea-da Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal aan noociisa la aqoonsan, sida uu sheegay militariga dalka Korea-da Koonfureed. Waa tijaabadii labaad oo Pyongyang ay sameyso wax ka yar toddobaad gudihiis.

Gantaalkan ayaa waxaa 4:30 galabnimo xilliga Pyongyang laga tuuray magaalada Sino-ri ee waqooyiga galbeed ee dalkaas, waxaana loo tuuray dhinaca bari, sida uu sheegay madaxa ciidamada Korea-da Koonfureed

Bayaanka militariga Korea-da Koonfureed laguma sheegin halka uu ku dhacay gantaalka iyo masaafaha uu duulay.

Sarkaal Korea-da Koonfureed ka tirsan ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in gantaalka uu socday masaafo dhan 420 km.

Sino-ri ayaa hoy u ah gantaallada dalkaas, waxaana ka mid gantaalka riddada dhexe ee Nodong, sida ay sheegtay Xarunta Istaariijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah.

Korea-da Waqooyi ayaa sidoo kale sabtidii tijaabisay wax ay taxliiliyayaasha ku sheegeen gantaal nooca riddada gaaban ee ballistic-ga ah.