Madaxweynaha Somaliland Durba Dalkii Hore Ayuu U Socodsiiyey Ee Halaga Daayo Dhibaatada Iyo Qabyaalada.

Ugu horeyn ramadan kariim , Ilahay, bisha barakeysan ee ramadaan khayrkeeda ha in siiyo amiin .

Intaasi ka dib walalyaal waxaan idinku dardaarayaa in Muslimnimadiidana aad ilaashataan oo ka dheeraatan waxii afxumo iyo fidno ah.
Intaasi ka dib madaxweynaha Somaliland dhaliil wuu leeyahey oo waliba ah xaga saami qeybsiga xukumadiisa waxaanan ku boorinayaa in uu soo dhiso xukumad iyo ha’yado ummada uu uqaybiyo si cadaalad ah oo xaqsoor ah waxii reer iyo eexna uu ka fogaado .
Tan kale waxaan ku hambalyeynayaa talaabooyinka fiican ee uu qaaday xaga musuqmaasuqa,xakameynta boobka dhulka ,xakameynta lacagt, iyo soo celinta xidhiidhka xaga diplomasiyada caalamka oo ilaa iyo maalintii la dooratay dalka waxa ku soo qulqulaaya madax sare oo caalamka ka socota , taasi waxey markhaati ka tahay dadaalka madaxweynaha Somaliland muuse biixi cabdi .
Hadaba dalka iyo madaxweynaha halaga daayo aflagaadooyinka iyo been abuurka , balaayo u yeedhadka , oo ummadu ama dadka qaar haka koraan qabyaalada yar ee hoose iyo aflagaadada jaahilnimada ku dhisan iyo badownimada oo hore iyo diba wax ha loo eego.

Saxaafadu ha qor to waxa aqoonta iyo mabda ku saleysan yaaney qorin aflagaado iyo aqoon xume wax uu malmaluuqaey iyo mid leh reer kayaga .
Bulshada ha loo soo bandhigo wax faaiido leh.
Waadmahadsantahiin .
Qore:Tahir hussein
geesiga244@gmail.com