Mareykanka Oo Liiska Argagixisada Ku Daraya Ururka Ikhwaanul Muslimiin

Aqalka Cad ayaa maanta sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka fikirayo inuu ururka Akhwaanul Muslimiin uu ku daro liiska ururada orgagixisada.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders ayaa qoraal email ah ku sheegtay “Madaxweyne Trump wuxuu uu la tashaday kooxda amniga qaranka Maraykanka iyo waliga hoggaamiyayaasha Bariga Dhexe, kuwaasi oo la qaba welwelkiisa ku aadan ururka Akhwaanul Muslimiin”

Haddii ururka lagu daro liiska kooxaha argagaixsada, waxay taasi Washington u oggolaan doontaa inay cunaqabteyn ku soo rogto shaqsiyaadka ama kooxaha xiriirka la leh ururka Akhwaanul Muslimiin.

Talaabadan ayaa timid saddex toddobaad kaddib markii uu Madaxweyne Trump uu Aqalka Cad ku martigaliyay madaxweynaha Masar Cabdulfataax El Sisi, oo uu ku ammaanay inuu yahay “madaxweyne wanagasan”, isagoo sheegay in xiriirka u dhaxeeya Maryakanka iyo Masar uu yahay mid aad u xoogan.

Qaar ka tirsan xildhibaannada Maraykanka, siyaasiyiin calami ah, iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadana ayaa canbaareeyey Sissi, taasoo la xiriirta tacadiya xuquuqda aadanaha ee Masar ka dhacay, iyo waliba aftidii dhawaan la meelmariyay ee muddada madaxtinmada kordhinaysay, taasoo madaxwyne Sissi u oggolaanaysa inuu xukunka sii hayo ilaa 2030.

Ururka Akhaanul Muslimiin waxaa Masar laga mamnuucay 2013-kii, markii madaxwyne Sissi uu xukunka ka tuuray madaxweyne Mohammed Morse, wixii intaasi ka danbeeyayna, Sissi wuxuu kor kala socday talaabooyinka ad-adag iyo gacanta birta ah ee lagu hayay kooxaha siyaasadoodu furfuran tahay iyo Islaamiyiinta mucaaradka ku ah Sisi, isago xabsiga dhigay kumannaan kun oo ka mid Akhwaanul Muslmiinta iyo waliba hoggaanka ururkaasaba.