Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Oo Saaka La Horkeenay Ninkii Ku Eedaysnaa Xidhashadda Dharka Somaliya.

Hargaysa(GNN)Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa Saaka La Horkeenay Cabdiraxmaan Aar oo ciidanka Booliska somaliland Qabteen Isaga oo ku labisan Dhar Calanka Somaliya Laga Sameeyay.

Maxkamadda oo dhagaysatay Saaka Eedaha Loo Haysto ayaa Dib u Rumaan Garaysay kaas oo uu xabsiga ku soo qaadan doono muddo toddobo cisho ah,waxaana dib loogu soo celin doonaa Maxkamadda Gobolka.

Cabdiraxmaan Aar ayaa ah guddoomiyaha Urur hargaysa ka jira oo lagu magacaabo ururka qabyaalad diidka,waxaana cabdiraxmaan laga dhex qabtay suuqa isaga oo dharkan ku labisan.