Prof Samatar Oo Wax Lagu Faano Ku Tilmaamay Barmaamijka Tabliiqa Siyaasadda Ee Xukuumaddu Ka Sastay

Hargeysa(GNN):-Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay saska ay Xukuumadda ka qaadday b Barmaamjikii Tabliiqa Siyaasadda ee ay isaga iyo Cali Khaliif ku qabteen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyaga oo bulshada u bandhigayay wacyi gelin ku saabsan siyaasadda Somaliland siiba wada lahaanshaha dalka iyo mararka qaarkood eedo ka dhan ah xukuumadda oo ka soo baxayay khudbadahooda.

“Waxa dadka qaarkood ka xanaaqeen Su’aasha Prof Samatar iyo Dr Cali Khaliif ay keeneen ee ah, Somaliland ma la wada leeyahay ? in aanay meesha qaban oo dadka qaarkii ay ka xanaaqeen ,annigu waxaan qabaa reer Booramana waan u sheegay dad bislaaday ama soo bislaanaya ayuunbaa su’aasha caynkaas ah kalsoonideedii leh oo is weydiin karra , Somaliland waxaan arkayaa in la soo bislaanayo dadka qaarkii su’aala caynkaas ah way is weydiinayan , anniga jawaabtaydu waxay ahayd Haa waa la wada leeyahay, laakiin wax ayaa dhimman waanan magacaabay waxa dhimani waxa ay yihiin qaarkoodna iminka la qaban karro qaarkoona mustaqbalka la qaban karro,” ayuu yidhi Prof Samatar.

Gunaanadkii Prof Samatar ayaa sheegay inuu bisha soo socota ee Juun shir caalami ah kaga qayb-geli doono dalka Maraykanka , kaasi oo uu ku soo bandhigi doono qaddiyadda Somaliland iyo doodiihii ay ka qayb-galeen isaga iyo Cali Khaliif, waxaanu farriin u diray Bulshada Somaliland “Markaa waxaan walaalahay reer Somaliland ku leeyahay gees ilaa gees anniga iyo Dr Cali Khaliif arrimahaa aanu ka qayb-galnay waxay yihiin wax lagu faano, wax laga baqo maaha wax laga cadhoodo maaha waa wax aynu u baahanay , waayo waxay hoosta ka xariiqayaan dad bislaaday ama soo bislaanaya in aynu nahay , shir ayaan ka qayb-gelayaa lagu qabanayo Magaalada New York bishan Juun ciida dabadeed ayaa lagu qabanayaa waa wax yaabaha aan doonayo in aan u sheego Somaliland Ubaxaasii sida uu usoo dilaacayo in aan tuso, dadkeenu markaa Doodaha yaan laga biqin yaan laga cadhoonin geesinimadeedii hala yeesho lagu dhegaysto faa’iido badan ayaa ku jirta, marka dambena waa is afgaradka waxa waddan lagu wada yeesho ee hore loogu wada socdaa ama Reer Gabiley ahow ama reer Laascanood ahow , ama reer Ceerigaabo iyo Badhan ahow ama reer Saylac iyo reer Boorama ahow iyo reer Berbera .”Ayuu yidhi Prof Samatar oo u warramayay telefishanka Horn Cable.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa Prof Samatar iyo Dr Cali Khaliif ku maagay arrimaha ay ka hadlaan taas oo markii dambe Eng Faysalna dhalliilay labada aqoon yahan.