Reer Galbeedka Oo Digniin U Diray Suudaan

Guddiga milatariga ee maamula Suudaan ayuu caddaadis ku sii badanayaa si ay dib ugu billaabaan wadahadalladii ay kula jireen hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha, ka dib markii uu hakaday galinkii hore ee tallaadada.

Maraykanka, UK iyo Norway ayaa ka digay in haddii xukuumad aan rayid ahayn ay talada qabato ay arrintaasi carqaladayn karto calaaqaadka ay Suudaan la leedahay dawladaha reer Galbeedka.Hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha ayaa sidoo kale taageerayaashooda ku booriyay in ay isu diyaariyaan dibadbaxyo hor leh iyo shaqo joojin, balse wali wakhti umaysan

arimahan ka socda dalka suudaan ayaa iminaya ka dib markii awooda laga tuuray madaxweynhii wadankaasi soo xukumay sanada badan cumer xasan al bashiir.shacabka wadankaasi aya milatariga ka codsanaya in xukunka laguw areejiyo dawlad rayida.

miltariga ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in dalka doorasho laga qaban doono.