Sabaha Lagu Yarayn Karo Hoos U Dhaca Qiimaha Lacagta Dhaqaalaha Wadankana Kor U Qaada.

Qiimo dhaca ku yimaada lacagta wadan laga isticmaalaa waa dhibaatooyinka

dhaqan-dhaqaale ee ku yimaada bulshada maxaa yeelay waxaa kor u kaca qiimiha alaaboyinka iyo adeegyada, qiime korodhkaasi wuxuu khalkhal ku keenaa deganashaha dhaqaalaha bulshadaas. Hadaba silo ilaaliyo qiimaha lacagi leedahay waa in lacagta warqada ah ee wadan leeyahay halbeega qiimaheeda lagu cabiraa uu noqdo dahab ee aanu noqon lacag kale oo warqad ah maxaa yeelay lacag kasta oo aduunka jirtaa waxaa taageera kaydka dahab ah ee wadankaa u yaala,si taas loo helo waa in la helaa arimahan hoose:.

· In bangiga dhexe lacata adag ee uu haysto badh ama inteeda badan u bedeshaa dahab kayd u ah maxaa yeelay inuu haysto lacag warqada oo qiima leh ay bangiga taalo sida Dolar waxaa ka wanaagsan in dahab kayd ahi kuu yaalo, wadankii dahab badan oo kayd ahi u yaalo ayaa aduunka lacagtiisuna qiima leeday markaa waa in bangiga dhexe sanadwalba miisaniyada wadanka lagu daraa lacag kayd ah oo dahab loo bedelo oo bangiga dhexe lagu shubo dahabna loo bedelo haba ahaato % wax uun way ururaysaa mardanbena waxay noqon caddad badan.

· In bangiyadii ganacsiga ee wadanku si fiican loo hawlgeliyo oo bixiyaan maalgelino waafaqsan shareecada islaamka sida Mushaarakada,mudarabada, murabaxada, ijaarada,salamka,Istisnac iyo nocyada kale ee sharecada islamku ogoshahay maxaa yelay bangiga ganacsiga ee dawladu leedahay ayaa ka awood badan bangiyada gaarkaloo leeyahay kan dawladu wuxuu adeegsanayaa awoodii dawlada si loo fuliyo shuruucda bangiyada ganacsiga.

In dawladu saami ku yeelato oo hayadaha dakhliga badan iyo faaiidooyinka soo saara ee ganacsato gaar ahi hadda ku shaqaystaan sida isgaadhsiinta, laydhka , biyaha, warshadaha si faaiidada uga soo baxda dawladu kaydka ugu darsato.

· In dawladu la timaado sidii loo dhisilahaa warshada sibidhka samaysa , warshad rinjiga samaysa , mid birta samaysa iyo mid marmarka labeenta leh samaysa iyadoo la kaashanaysa dadka maalgelinta sameeya maamulkoodana dawlada laga madaxbaneeyo oo gudi gaar ahi maamusho, waxsoosaarka warshadaasna laga ilaaliyo tartan debeda kaga yimaada inta ay bilawga yihiin ama cashuurdaaf loo sameeyo waxyaabaha debeda ay kala soo degayaan ee ay wax ku soo saaraan.

Ugu danbayn haddii dawladu fuliso arimahaas kore waxaa hubaal ah in qiimaha lacagta wadankaasi leeyahay ay noqonayso mid degan oo qiimaleh maxaa yeelay dawladu waxay helaysaa cashuur farabadan oo ka timaada qodobadaas aan soo sheegnay dadkuna waxay helayaan dakhli farabadan iyo shaqo-abuur badan iyo fursado shaqo oo badan oo wadaku yeesho, wadankana waxaa u baaqanaya lacag adag oo debeda u bixi jirtay oo alaaboyin wadan kale soo saaray lagu soo iibsan jiray waxaa kale oo yaraanaya doonista lacagta adag sababtoo ah wadanku wuxuu helayaa alaabo uu debedaha u diro oo isagu soo saaray lacag adagna ka helo.

Waxaa diyaadiyay dhaqaaleyahanDr.OMER JAMA HAShi

Master of Islamic economist.

Cumarjama1966@hotmail.com,

+252659030114