Sharcigu Muxuu Ka Qabaa Habka Madaxweyne Muuse U Maray Siideynta Maxaabiistii Dagaal Ee Puntland?

Hargeysa(GNN):-Xukuumada somaliland ayaa ku dhawaaqday inay cafiday maxaabiis dagaal oo laga qabsaday maamulka Puntland.

Madaxweynaha somaliland ayaa fuliyey balanqaad uu hore u sheegay inuu cafis u fidinayo maxaabiistii maamulka Puntland lagaga qabsaday dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq.

Garyaqaan guuleed Axmed Jaamac(Dafac) ayaa naqdiyey habka ay xukuumadu u martay sii daynta maxaabiista dagaal ee laga hayey maamulka Puntland.

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa facebook waxa uu kaga hadlay qaabka uu sharcigu dhigayo inay xoriyadooda u helaan maxaabiis lagu qabsaday dagaal, waxaanu ku yidhi qoraalkiisa:-

Maxaabiista dagaalku (Prisoners of War) dembiilayaal la cafiyo maaha ee waxa maamula Mucaahadada Geneva. Marka dagaalku dhamaado waa in la isku celiyo. Waa mamnuuc in loola dhaqmo sidii dembiile. Waxaay leeyihiin ilaalin gaar ah. Markaa erayga waa la cafiyay waa qalad. Maxabiista dagaalka waa la is waydaarsadaa. Hadii cid qudhi maxaabiis haysona (badiyaa ma dhacdee) way celisaa.