Siyaasiga Reer Britain Ee Nigel Farage Oo UK iyo Caalamkaba Ugu Baaqay Inay Aqoonsadaan Somaliland

London(GNN):-Siyaasiga caanka ah ee Nigel Farage oo u dhashay dalka UK ayaa caalamka ugu baaqay inay aqoonsadaan madax banaanida somaliland.

 

Siyaasigan oo dhawaan loo doortay inuu ka mid noqdo xildhibaanada baarlamaanka midawga yurub ayaa wadamada caalamka gaar ahaana wadankiisa Ingiriiska ugu baaqay inuu aqoonsado somaliland oo dedaal ugu jirta sidii ay uga soo dhex muuqan lahayd khariirada caalamka.

Siyaasigan Nigel Farage oo ka mid ah kuwa ugu caansan wadanka UK iyo qaarada yurub waxa uu aaminsan yahay in somaliland loo aqoonsado dal ka madax banaan soomaaliya, maadama oo ay ahaayeen laba wadan oo midoobay 1960 markii ay xoriyada ka qaateen UK iyo Talyaaniga.

Siyaasi Nigel Farage ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa uu kaga hadlay amaanka iyo deganaanshaha ka jira somaliland, isaga oo dawlada UK iyo caalamkaba ugu baaqay inay aqoonsadaan somaliland.

Dawlada somaliland ayaa dhinaceeda looga baahan yahay inay ka faa,iidaysato saaxiibada ay caalamka ku leedahay ee u ololeeya ictiraafka gaar ahaana siyaasigan Nigel Farage oo miisaan culus ku leh wadanka Ingiriiska oo noqon kara mid hormood u noqda in somaliland ay hesho aqoonsiga ay raadinayso 28-ka sanadood.

GABILEY.NET