“ Trump Maskax Ahaan Uma Fiyooba..” Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo afhayeenka Aqalka Wakiillada ee dalka Maraykanka Nancy Pelosi ayaa is dhaafsaday hadallo aflagaado ah iyadoo midkastaa uu su’aal geliyay caafimaadka maskaxeed ee midka kale.

Haweeneyda ugu sareysa dimuquraadiga ayaa qoyska Trump iyo kaaliyayaashiisa ka codsatay inay soo farageliyaan arrimaha madaxweynaha “iyagoo u daneynaya dalka”.

Donald Trump ayaa ka soo jawaabay, wuxuuna yiri Mrs Pelosi way “waalan tahay”, Haddana markale ayuu haweeneydan laga soo doortay California in ay tahay “qof aan nidaamsanayn”.

Khilaafkan wuxuu muujinayaa inuu markale soo cusboonaaday xiriirka xun ee u dhexeeya Aqalka Cad iyo xisbiga Dimuquraadiga.

Is dhaafsiga hadalladan adag ayaa ka dhashay markii Trump uu si degdeg ah ku soo afjaray kullan uu la lahaa Mrs Pelosi iyo dhigeeda aqalka Sare, Chuck Schumer oo isna ka tirsan Dimuquraadiga.

Kullanka fashilmay oo Trump uu isaga baxay dhowr dhaqiiqo ka dib waxay ahayd inuu sii socdo illaa maalintaas oo dhan.

Iyadoo jawaab ka bixineysay arrintaas Khamiistii, Pelosi waxay sheegtay inay aad uga walwalsan tahay caafimaadka madaxweynaha iyo “guud ahaan wanaagga dalka Mareykanka”.

Afhayeenka ayaa Mr Trump ku eedeysay in uu qabo “inuu xanaaqa ka tambadiyo”.

“”Waan u duceynayaa Mareykanka,” ayay tiri Pelosi. “Waxaan filayaa in qoyskiisa iyo maamulkiisa ama shaqaalihiisa ay arrintan soo faragelin doonaan iyagoo dalka u daneynaya.”

“Waxaa suuragal ah inuu u baahan yahay fasax uu ku soo nasto,” ayay hadalkeeda ku sii dartay.

Waxay sidoo kale ku kaftantay wax ka bedelka dastuurka ee 25-aad, kaas oo ogol in madaxweynaha xilka laga qaado. Markii weriye uu sidaas u sheegay ayay ku tiri “waa fikrad fiican.”

Mrs Pelosi ayaa hab dhaqanka Trump ku tilmaamtay “shakilow”, iyadoo muujineysay sida uu ugu dheggan yahay faylashada maxkamadda una hortaagan yahay inuu marqaati noqdo lataliyihiisii hore.

Markaa ka dib, Madaxweyne Trump ayaa sheegay, in hadalka Pelosi ee in ah in lala tacaalo xaaladdiisa, uu yahay “hadalka nacasnimada”.

“Nancy-da aan fiyoobeen,” ayuu yiri. “Waxaan kuu sheegayaa, muddo dheer ayaan daawanayay, qofkii aan ogaa ma ahan, way lunsan tahay.”

Wuxuu sidoo kale sheegay “Waxay ku baabe’eysaa indhaheena hortooda”.

Madaxweynaha wuxuu sidoo kale beeniyay in uu “qeyliyay oo uu buuqay” intuu socday kullankii Arbacada ee uu la yeeshay hoggaanka Dimuquraadiga, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa “qof aad u deggan”.

Trump, Pelosi iyo Schumer waxay u kulmeen in ay ka wada hadlaan qarashka ku baxaya horumarinta Mareykanka, taas oo ah meel ay adagtahay in lagala hshiiyo Aqalka Cad.

Madaxweyne Trump ayaa shirka ka baxay seddax daqiiqo ka dib. Pelosi ayaa sheegtay in Trump uu miiska garaacay ka hor intuusan dibadda ugu bixin sida dabeysha.

Isla markiiba wuxuu ka soo muuqday masraxa Rose Garden, wuxuuna ku dhawaaqay inuu ka baxayo dhammaan heshiisyada wada shaqeynta uu dimuquraadiga la leeyahay illaa ay ka joojinayaan “baaritaanka ay telefoonkiisa ku hayaan”.

Laakiin Khamiistii, xildhibaannada Jamhuuriga ayaa waxa ay sheegeen in Trump uu saxiixay dhaqaale lagu bixinayo arrimaha gurmadka oo gaaraya $19.1 oo Bilyan oo dollar, oo hal milyan oo ka mid ah lagu bixin doono Puerto Rico.

Khilaafyada adag ee soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dhinac waxa qeyb ka ah maalgelinta derbiga uu Trump doonayo inuu ka dhiso xuduudda Mexico.