“Ummaddu Ma Geydo Waxaad la hor Taagan Tihiin”Abwaan LaabSaalax

Hargeisa(GNN):-Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul(Laab saalax) ayaa hadal duur-xul iyo isugu jira hoga-tusaalayn u jeediyay xukuumada iyo xisbiyada qaranka somaliland.isagoo abwaanku wax aan la qaadan Karin ku tilmaamay in xisbiyada qarranku ku heshiin kari waayaan khilaafka doorashooyinka islamarkaana ugu baaqay guurtida,aqoonyahanka,iyo acyaanta bulshada inay doorkooda ka qaataan. Waxaanu qoraalka Abwaan Laabsaalax u dhignaa sidan:
Suurtagal maaha in dalka ay ka dhacdo doorasho laba xisbi oo qudhi galaan ama ku tartamaan .
runta iyo xaqiiqada ha la waajaho.
Wixii dan ummadeed ahina go,aan caadifadaysan uma baahna, ee myir iyo caqliyad deggan ayuu xalkeedu ku jiraa .
Maskaxda caafimaadka qabta ee indho reeraysan aan wax ku eegayn, dhego reeraysanna aan wax ku maqlaynnin ma qaadan karto in saddexda xisbi Qarran muddo sannad iyo badh ah ay isku afgaran la’aayihiin laba qodob.Waxse yaab leh haddii xisbiga kulmiye Iyo xisbiga Waddani iyo Xisbiga Ucid Midna muujin kari waayay tanaasul iyo tudhaale.
Ummadda oo dhan ma cid kala xukunta oo runta u kala sheegtaa laga waayay?
mee doorkii guurtidu?
mee tallo qabeenkii?
mee waayeelkii iyo waxgaradkii?
mee aqoonyahankii iyo intii samaha jeclayd ee maalintay adagtahay loo irkan jiray?

Abwaankeenii Weynaa Ee Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) ayaa waxaa laga hayey gacan kaliyii sacab ma tunto.!!!!!!!