War Deg-Dega-Laamaha Amaanka Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Xildhibaan Xuska Maalinta Qaran ee 18 May Ku Tilmaamay In Cid Gaar Ahi Leedahay.

Hargeisa(GNN):-Warar hordhac ah oo soo gaadhay Shabakada gabiley news network ayaa xaqiijiyey in caawa saacadihii lasoo dhaafay xabsiga la dhigay xildhibaan dhakool oo kamida mudane ka tirsan golaha wakiilada jsl kaas oo maalmihii ina soo dhaafay war uu siiyey muuq baahiyeyaasha ku sheegay in maalinta qaran ee xuska 18 may oo ku astaysan gooni isutaagii Qaranka Jsl iyo Shacabkii ay tahay maalin u gaar ah Beesha islamarkaana ay sameysteen Ururkii mujaahidiinta SNM.

Xadhiga Xildhibaanka ayaa dariiqa loo maray la xaqiijiyey in lagu soo xidhay waaran ay soo jartay Maxkamada awooda u lehi.

Waxaana Xildhibaanku wakhti xaadirkan ku xidhan yahay Saldhiga dhexe magaalada hargeisa halkaas oo ay usoo gudbiyeen ciidamadii soo qabtay.

Xildhibaankan oo tobankii sano ee ugu danbeeyey kamid ahaa golaha sharci dajinta ee qaranka somaliland islamarkaana ah ganacsade reer somaliland ayaa bulshada inteeda badani ay aad uga fajaceen hadalada wax u dhimaya qaranimada iyo jiritaanka somaliland ee sida fudud uu warbaahinta uga sheegay, isagoo  xildhibaanku ka tirsan mudanayaasha ku yimid is xambaarka ee kasoo jeeda gobolka sool.

Si kastaba ha ahaatee Golaha wakiilada somaliland ayaa laga dhursugayaa   in ay ka qaadaan Xasaanada maamuska leh ee uu huwen yahay ka hor inta aan la horgeyn maxkamada, iyadoo dastuurka qaranku aanu u ogolaanayey in xildhibaan aan laga xayuubin xasaanada la horgeeyo maxkamad.

La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha Arrimaasi.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network