Warsaxaafadeed ;Hamblayada Sanadguurada 18 May .By Somaliland Society in Europe

Summad:  SSE/DK- 083/18052019                                                                                                                  Taariikh:  18/05/2019

Warsaxaafadeed

Xuska   Sanadguurda 28aad  ee  18 May

Hamblayo Sanadguurada

Dalladda  guud  ee  xidhiidhisa jaalliyadaha qurbo joogga Somaliland ee Yurub,  (Somaliland Society in Europe) SSE,  waxay  ku  hambalyeyneysaa ummada  Somaliland dhamaanteed   meel ay  joogtaba xuska   18 May  ee sanadguurada  28aad  ee   ka  soo wareegtey  dib  ula  soo  noqoshadii   qaranimada Somaliland.  Waa waajib in meel kasta aynu joogno, laga xuso sandguurada 18ka May iyo tan 26 June oo ah maalmaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hambalyo  hambalyo   waxaananu  ILLAAHEY  ka  baryeynaa  in  uu  sanadkaa  sanadkiisa  nagu  gaadhsiiyo  bashbash, barwaaqo  iyo  nabadgelyo  isla  iyo  markaana  aynu  aduunka  ka  helo ictiraaf  buuxa. Waxaa  kale  oo dallada  SSE  kula  dardaarmeysa  ummada  Somaliland  isku duubni  iyo wadajir.

Guubaabin

Dallada  SSE  waxay  si  dhaw  ula  socotaa    dabeylaha siyaasadeed  ee xawliga  ku socda  ee  ka  dhacaya  guud  ahaan aduunka  gaar  ahaana   geeska  afrika sida  daraadeed  dalada  jaaliyadaha  yurub  waxay ku  baraarujineysaa  umada Somaliland  shacab  iyo  dawladba  in laga  feejignaado dhib kasta   oo  inaga  soo  gaari karta  isbedellada  degdega  ah  ee  aduunka  ka  dhacaya oo u baahan in   lagu  wajaho wadajir  iyo  midnimo.  Sidoo  kale  dalIadu  waxay guud  ahaan iyo gaar  ahaanba talo   ugu  usoo  jeedineysaa     hay’adaha  fulinta  ee  dawlada, ganacsatada   iyo  dhamaanba  shacabka  Somaliland sidii  kor  loogu  qaadi lahaa  waxsoosaarka  wadanka  gudihiisa   sida  beeraha, kaluumeysiga, xoolodhaqista  iyo  soo  saarida  macdanaha  kala  duwan  ee  Eebo  ku  maneysaytey  Jamhuuriyada  Somaliland  si  looga  tabaabusheysto dhibaatooyin  weyn  oo  inaga hor iman kara.

Laba dal oo xor ah (Two States)

Waxaa cad  in  xukuumada Somaliya  ee isticmaalayaa ictirifaafa  aduunku kula  degdegay aaney  diyaar u aheyn wadahadalo  midho dhal ah    oo ay ku garowsato in Somaliland madaxbanaanideeda 28ka sanadood jiratay  ee ku  timi halgan naf  iyo maalba  leh  aanay ka noqoneyn  ,sidoo  kale aaney somaliya ka  muuqan  aragti ay ku fahamto faa’iidooyinka laba dal oo Soomaaliyeed oo jaar ah oo iskaashada.   Sidaa  daraadeed waxa   haboon  in somaliland la  garnaqsato  beesha  caalamka  si  cad  ugu  sheegto  sharciyada  iyo awooda dawladeed ee  qadiyada qaranka Somaliland cod dheerna loogu sheego  in aaney somaliland  iyo somaliya  mar  danbe  ku  heshiin karin  dawlad  ay wadaagaan  sidoo  kale  danta  caalamka, danta  mandaqada  iyo danta  Somaliland  iyo  Somaliyaba  ay  ku  jirto  aqbalidda laba dawlladood (two states solution) oo ah labadii dal ee xorta ahaa ee isku  biirey  July 1960  midow   aan sharci  aheyn. Haddii kale, wadahadaladdu waxay uun ahaanayaan    maahmaahdii  aheyd  ‘ijiid  aan ku jiidee  waa uun gacmo daalis’.

Gebagebo

Marka la reebo  sannadihii Xukuumada Soomaaliya ee kalitaliskii  ay  dagaalka  ku qaaday  gobollada Somaliland, waxay Jamhuuriyada Somaliland mar  kale  xor ahayd muddo la dhiganta amaba ka dheer muddadii  dawladii Jamhuuriyadda  Somaliyeed iyo muddadii kali taliskii(1960 illaa 1988). Sanadguurad kasta ee ay Somaliland xor tahay,  ictraaf la’aan iyo in kaleba waa qaran jiraa oo xiddidadiisu  sii dheeraanayaan. Sidaas ayeynu sanadguur kasta ee 18ka May  ee dib ula soo noqashada qaranimmada iyo 26 June  ee  ah  helistii madaxbannanida u xusidoona. Allow gargaar ummadan  Somaliland ee soo jirtay sadexda qarni.

Gudiga  fulinta

Dallada   Jaaliyadaha  Yurub (SSE)

Somaliland Societies in Europe

Telifoon  004525539315