Xisbi Siyaasadeed Cusub Oo La Filayo In Jabuuti Lagaga Dhawaaqo.

Djabouti(GNN):-Guud ahaan dalka jabuuti ayaa waxa laga hadal hayaa urur siyaasadeed cusub. oo la filayo in dhawaan lagaga dhawaaqo caasimada dalka jabuuti. Urur siyaasadeedkan ayaa magaciisa waxa la yidhaa L.D.D waxaana ku bahoobay xubno dhalinyaro ah oo ka kala yimid dalka Dibada iyo Gudaha dalka Jabuuti. Islamarkaana ku midaysan inay heegan u noqdaan qaybtoodana ka qaataan hogaaminta iyo horumarinta dalka iyo daka jabuuti. Waxaana Xisbiga L.D.D. Gudoomiye ay u Doorteen Abdoul Kadir Ahmed Cheikh(Ali Cheikho)

Dhalinyarada ku bahoobay xisbigan ayaa waxaa dhiiri galiyay baaqii madaxaweynaha dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele uu dhawr bilood ka hor ugu Baaqay dhalinyarada dalka jabuuti inay is abaabulaan oo la yimaadaan fikiro cusub.
Hadaba Gudoomiyaha Xisbigan Cusub Abdoul Kadir Ahmed Cheikh(Ali Cheikho) ayaa wax ka waydiinay bal inuu xisbigiisan noqon doono Mucaarad iyo in kale waxaanu isagoo arimahaa ka hadlaya ku bilaabay hadalkiis “ Xisbiga L.D.D waxay tahay ujeedadiisu sidii loo horumarin lahaa bulshawaynta reer jabuuti isla markaana u heli lahaayeen adeeg bulsho oo hufan.sidaas awgeed maaha xisbi mucaarad ah waxaanu gacan saar la yeelan doonaa Xisbiga R.P.P. Iyo Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele”
Marka kale Waa kan Gudoomiyaha Xisbiga L.D.D Abdoul Kadir Ahmed Cheikh(Ali Cheikho) oo aan waydiiyay bal xaalada dalka jabuuti siduu u arko waxaanu yidhi: “dalka jabuuti waxaa ka jira horumar madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelana Waa dadaalay hasa ahaatee waxaa jira tabasho iyo cabasho badan oo bulshadu ka qabto dadka ka hoos shaqeeya madaxweynaha kuwaasi oo aad moodo inay kala fogaynayaan madaxweyne geele iyo shacabka reer jabuuti waayo iyagaa dhaxeeya waxaana loo baahan yahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geela SI dadaalkiisu midho dhal u noqdo inuu ka dhabeeyo baaqiisii uu u jeediyay dhalinyarada islamarkaana isbedel ku sameeyo dadkan ka hoos shaqeeya oo uu keeno wajiyo cusub iyo dhalinyar xaga bulshada sumcad ku leh”
Si kastaba ha ahaatee xaalada siyaasadeed ayaa la saadaalinayaa inuu isbedal ku yimaado sanadaha soo socda. Baaqii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele hadii laga dhabeeyo waxuu fursad u noqonayaa dhalinyarada reer jabuuti eel eh hamiga siyaasadeed islamarkaana raba inay hogaaminta dalka ka qaybqaataan.