Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Shaaciyey Tirada Weerar Ay AL Shabaab Geysteen Bishii Saddexaad Ee Sanadkan

Warbixin uu ka jeediyay Golaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters, ayaa wuxuu ku canaantay dowladda Federalka Somaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa sheegay Bishii March ee sanadkaan inay dhaceen 77 Qarax oo Shabaab ay fuliyeen, taasina ay muujinayso sida uu u liito dhanka ammaanka Somaliya.

Gutters ayaa dowladda Somaliya ku ammaanay dib u dhiska Hay’addaha kala duwan ee dowliga, balse waxa uu sheegay dhanka ammaanka, la dagaalanka Musuqa & ka hortagga weerarada argagixisada inuu ka jiro fashil wayn.

“Arrintan waxey muujineysaa tababar yarida dowladda, waana wax laga xumaado in bilihii April iyo Maarso ay weeraradii ugu badnaa Kooxaha argagixisada ah ay ka gaystaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, farsamada ugu badan ee Al-Shabaab hada adeegsato waa Miinooyinka.” Ayuu yidhi Guterres.

Waxaa uu intaas raaciyay in ay tahay weerarradii ugu badnaa ee muddadaas Al-Shabaab ka geystaan Soomaaliya tan iyo 2016kii, isaga oo xusay in qaraxyada u badan Miinooyinka yihiin farsamada ugu badan ee hadda ay adeegsato Al-Shabaab.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku dadaasha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho, inkastoo ay jiraan falal lidi ku ah dhanka amniga oo Shabaab ay ka gaystaan Muqdisho & qaar ka mid ah Gobolada dalka Somaliya.