40 Qof oo Meydkooda Laga Helay Webiga Niil

Suudaan(GNN)- Kooxaha Mucaaridka ee Mudahaadyada ka dhigaya dalka Suudaan ayaa maanta sheegay in Maydka Afartan

qof laga soo saaray Wabiga Niil.

Dhakhaatiir xidhiidh la leh mucaaridka Suudaan ayaa sheegay in maydka 40 qof ay ka mid ahaayeen boqol qof oo la aaminsan yahay inay ku dhinteen weerarkii Isniintii toddobaadkan ciidammadu ku qaadeen goobaha mudaharaadeyaashu joogeen.

Golaha kumeel-gaadhka ah ee millatariga xukuma Suudaan ayaa hore u sheegay inay baadhayaan eedaymaha la xidhiidha in dad shacab ah lagu dilay Magaalada Khartuum Isniintii.

Sarkaal hore uga tirsanaan jiray ciidammada Ammaanka ayaa sheegay in dadka maydkooda la helay la toogtay kadibna lagu tuuray webiga Niil.

GABILEY.NET