Aqoonta Aasaasiga Ah Ee Xanuunka Macaanka, Calaamadaha Lagu Garto Iyo Sida Loola Dagaalamo

Macaanka ama sonkorowgu waa khalkhal ku dhaca habka kiimikaad ee shaqada jidhka oo ay weheliso heerka sonkorta ( glucose level) oo aad u saraysa mudo badan, sida caadiga ah heerka sonkortu waa inuu u dhaxeeyo 80mg/dl ilaa 160mg/dl, wixii intaa ka badan xadiga sonkortu wuu sarreeyaa intaa wixii ka hooseeyana xadiga sonkortu wuu hooseeya.

Astaamaha lagu gartaana waxa ka mida:-
• kaadi fara badan.
• haraad joogta ah.
• gaajo badan.
Hadii aan la dawayn waxa ka dhalankara dhibaatooyin caafimaad sida:-
• wadna xanuun
• faalig (stroke)
• kalyaha oo shaqadoodu yaraada ama joojiya (chronic kidney disease)
• Nabaro / boog uu ku yeesho cagta ( diabetic foot ulcer)
• dhaawac soo gaadha araga.
Macaanka ama sonkorowga waxa keena laba arimood oo kala ah :-
 inaanu ganacu ( pancreas ) aannu soo saarayn ama uu yareeyo maadada insulin( oo ka caawisa jidhka inay unugyadiisu sonkorta isticmaallaan.
 in unugyada jidhku aanay ka faa”iidaysanayn maadada insulin, taasina keenaysa in xadiga sonkortu jidhka ku bato.

Sida loola dagaalamo.

Xanuunkani ma aha dilaa, laakiin waa naafeeye, qofkuna wuu isska celin karaa ilaa uu gaadhayo da’da 75 sanno jir, waxaana loola dagalamaa qabaab badan, sida jimicis joogta ah oo aad gubto sonkorta jirkaaga ku jirta, cunto dheelitiran, hadii aanaad awoodin in aad hesho cunto dheeli tiran oo ay hayntaadu yartahaay, waxaaad cunaysaa cuntada aad heli karto, adiga oo kolba cunaya xaddi yar oo aan kicinayn sokorta dhiiga, hadii ay cuntadaaadu badaato oo aad cunto cunto culus, waxaa kacaya dhiiga, xanuunkana waxa uu u dadka u naafeeyaa, sidii irbad lagu mudmudayo warqad, maalin kasta marka ay irbad uu ku mudo kalayha, beerka iyo indhaha, ugu danbayn waxaa uu ka dhigayaa in uu naafeeyo oo uu shaandho ka dhigo.

Cuntooyinka ugu fiican ee lagula dagaalamaana waa khudaarta, waan in aad uga taxdartaa cunooyinka laga helo tamarta, aanad cuntaa kuwa laga helo vitamiinadda.

GABILEY.NET