Ardayda Somalida Ah Ee Wax ka Barata Turkiga Oo Ku Dhintay Doon la Rogmatay.

Meydadka saddex Soomaali ah oo ka koobnaa labo wiil iyo gabar ayaa laga helay Badda u dhexeysa dalalka Turkiga iyo Giriiga ka dib markii ay la qalibantay doon tahriib oo ay la socdeen.

Labada wiil oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Jaamacadaha Turkiga ayaa magacyadooda lagu sheegay Salaad Abdi Hassan oo diyaarinayey shahaadada (PhD) iyo Maxamed Bile Iidle Boqol oo isna ku jiray arday ku jirtay qeybta Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacada (Master).

Arday kale oo asxaabtooda ah ayaa sheegay in labada Wiil ay ahaayeen kuwo dedaal badan oo waxbarashada ku fiican balse mar kaliya maskaxdooda bedeleen, kuna fekereen iney tahriib galaan, iyagoo aan cidna u sheegin.

Gabadha Soomaalida ah ee ka mid noqotay dadka ku dhintay shilkan ayaan laga heynin wax faahfaahin ah oo ku saabsan magaceeda iyo xogteeda kale ee gaarka ah.

Booliska Turkiga oo gacanta ku haya meydadka wiilashada iyo gabadhan Soomaalida ah ayaa waxaana saacadaha soo socda geynaya magaalada Istanbul, iyadoo lagu wareejinayo Jaaliyada Soomaalida ee halkaas ku dhaqan si ay aas ugu sameeyaan.

Qaar ka mid ah ardayda ay wax isla baranayeen wiilashan Soomaalida ayaa ka naxay shilka ay ku dhinteen, iyagoo sheegay iney mar kaliya waayeen ka dibna laga war helay iney tahriib ku dhinteen.

GABILEY.NET