Askar ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland oo qarax lagu dilay

Afar Askeri oo ka tirsan ciidamada Puntland iyo ruux haweeney ah ayaa ku geeriyooday qarax miino oo maanta duhurnimadii ka dhacay tuuladda Af-urur oo dhowaan ay Puntland kala wareegtay ururka Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 6 ruux oo midi haween tahay, waxaana dhaawacyada loo qaaday goobaha caafimaadka.

Qaraxan ayaa ahaa mid lagu aasay goob meherad ah oo ay laheyd haweeneydii qaraxaas ku geeriyootay

Ma aha markii ugu horeysay ee qaraxii ugu horeeyey ee noocaan ah oo ka dhaca deegaanka Af-urur oo ay wax ku noqdaan ciidamada iyo dadka shacabka ah ee halkaas ku nool, waxaana masuuliyada qaraxaas sheegtay ururka Al-Shabaab.

 

GNET ,VOA