Ciidamada Spain Oo Qabtay Daroogo Lagu soo Raray Diyaarada Madaxwaynaha Brazil.(Sawiro)

Ciidanka Booliska dalka Spain ayaa qabtay maandooriyaha halista ah ee cocaine oo uu sitay askari la socday Madaxweynaha Jair Bolsonaro Brazil oo ka soo noqday shirka G20 ee Japan ka dhacay.

Saraakiishu waxay xireen ninka oo Talaadadii la soo dhaafay, boorsadiisa laga helay 39kg oo ah daroogo qaaliga ah.

Askarigan ayaa loo xilsaaray inuu Madaxweyne Bolsonaro ilaaliyo intii uu ku sii jeeday Brazil, iyadoo Madaxweynuhu raacay diyaarad kale oo ka duwan middii la qorsheeyay ee maandooriyaha laga helay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Brazil waxaa lagu sheegay in Wasaaraddu ka war hayso askeri looga shakiyay inuu maadooriye halis ah sitay in lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Seville ee Spain OO dayuurada Madaxweynuhu transit ku aheyd.

Askariga la qabtay ayaa seddax Madaxweyne ilaalo u noqday 29-kii safar ee ugu dambeeyay ee madaxda dalkaas ay aadeen dibeda Sida ay warbaahinta Brazil qoreen.

GABILEY.NET