Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Dad Somali ah Oo Dil iyo Dhaawac Maanta Loogu Geestay Koonfur Afrika.

Warxaa saaka dil iyo dhaawac loogu gaystay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika labo muwaadin oo Soomaali ah.

Kooxo burcad hubeesan ayaa saakay weerar ku qaaday dukaan ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo kuyaala deegaanka Strand ee magaalada Cape Town, waxa ayna halkaasi ku dileen hal ruux oo Soomaali ah halka mid kalana dhaawac loogu geestay.

Dad ka agdhawaa halka lagu weeraray ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in burcada rasaas ku fureen labo ruux oo dukaanka joogay, waxaana rasaasta ku geeriyooday Macalin Cabdulaahi Cali Ciise halka uu dhaawac soo gaaray Nuur Bafaana.

Burcada dilka iyo dhaawaca geesatay ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhac u geesteen dukaanka, waxa ayna markii dambe ka baxsadeen goobta ay burcadan hubeesan dilka iyo dhaawaca ka geesteen.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogta ah waxaa dilal iyo dhaawac loogu geestaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi u tagay nabad iyo nolol in ay ka helaan, waxaana Soomaalida dalkaasi lagu dilay sanadihii lasoo dhaafay kor u dhaafayaan kun ruux.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: