Dallada Sonyo Oo Qabatay Kulan Dhalinyarada iyo Masuuliyiintu Ku Wadaagayeen Doodo iyo Su’aalo.

Hargeisa(GNN):- Dallada Midaysa Dhalinyarada Somaliland ee sonyo ayaa qabatay kulan lagu dhiirigalinayo da’yarta waxbarata ee dalka taaas oo  loogu qabanayo kulamo iyo tababaro ay ka qayb qaadayaan ardayda iyo macalimiinta dugsiyada sare ee dalku dalku, iyadoo ujeedada looga dan leeyahay tahay sidii da’yarta kor loogu qaadi lahaa xirfadaha kala duwan, iyo xal u helida caqabadaha, sidoo kale waxaa iyadana lagaga caawinayey kulankaasi Kobcinta dhalinyarada ee fursadaha iyo hal abuur ee dhalinyarada wakhtigan kasoo baxaysa dugsiyada sare.

Waxaana  halkaasi khudbado ku taxaluqa dhiirigalinta dhalinta iyo sidii loo heli lahaa da’yar iyagoo waxbarashada ku jira dhinacna ka abuura shaqooyin iyo fursado aanu ardaygu isku arag mid cid shaqo ka suga, halkaasna kasoo jeediyey khubaro iyo aqoonyahano ka socoda ururka dhalinyarada Somaliland ee Sonyo iyo  Madax kale oo socoday hay’adaha caalamiga ah ee Save the Children iyo Sos.

Waxaana Munaasibadaasi balaadhan ee lagu qabtay hotel maansoor oo daba socotay tababaro ay maalmihii ugu danbeeyey dalada sonyo ka waday dalka gobolada iyo degmooyin guud ahaan uu kusoo dhammaaday jawi wanaagsan iyo waayo aragnimo wax loogu kordhiyey da’yarta dalka usoo baxaysa.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

 

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.